Ku dhowaad 15 qof oo 8 kamid ah ay yihiin ciidanka Itoobiya ayaa lagu dilay weerar qorshaysan oo ka dhacay gudaha Itoobiya
Wararka ka imaanaya wadanka Itoobiya ayaa sheegaya in markale weerar laayaan ah oo dad badan ay ku dhinteen uu ka dhacay deegaan katirsan wadankaasi.
Ugu yaraan 13 qof ayaa dhintay tobanaan kalane dhaawacyo ayaa soo gaaray kadib markii dablay hubaysan ay weerar ku qaadeen goob ay ku sugnaayeen ciidamada dowladda Xabashida Itoobiya.
Weerarka oo ka dhacay mandiqadda Siijiin Koonsi ayaa si gaar ah u beegsaday xarumaha dowladda xabashida iyo saldhig ay ku sugnaayeen ciidamada booliska federaaliga ah.
Guddoomiyaha deegaanka uu weerarku ka dhacay oo lagu magacaabo Ormali Ogendi ayaa wakaaladaha wararka u sheegay in dadka dhintay 8 kamid ah ay yihiin ciidamada booliska dowladda Itoobiya iyadoona markii dambe ay dhimashu korortay oo ay gaartay 14 qof.
Wararka ayaa intaas ku daraya in kooxaha weerarka geystay oo loo malaynayo in ay katirsanyihiin jabhadda Oromada ee OLA ay lawareegeen saldhigga booliska deegaanka kadibna waxaa gurmad soo sameeyay ciidamada melleteriga itoobiya sida lagasoo xigtay saraakiil Boolis.
Kooxaha hubaysan ee weerarkan khasaaraha badan dhaliyay geystay ayaa la xaqiijiyay in ay dab qabadsiiyeen dhowr guri oo kuyaal mandiqadda Sijiin, khasaaraha maaliyadeed ee ka dhashay weerarkan ayaa lagu qiyaasay illaa 600 oo milyan oo ah lacagta Birta Itoobiya.
Kusoo biir janaladeena Telegram-ka 👇