In kabadan 10 Ruux oo Itoobiyaan ah oo Ku Dhintay Xeebaha Bada Cas.

Aug 26, 2024

Ugu yaraan saddex iyo toban qof oo Itoobiyaan ah ayaa dhintay halka kuwa kale oo intaas ka badana nolol iyo geeri lagu la’yahay, kadib markii biyaha badda cas ay ku degtay dooni ay la socdeen.

Wararka ka imaanaya waddanka Yemen ayaa sheegaya in dooni ay la socdeen dad ka kooban 25 qof oo tahriibayaal ah ay ku degtay xeebaha waddankaasi, taasi oo keentay dhimashada iyo dadka la la’yahay.

Warbaahinta caalamiga ah iyo kuwa maxalliga ah oo soo xiganayo hay’adda waxay ugu yeeraan socdaalka caalamiga u qaabilan urur gaaleedka QM waxay sheegeen in doonida degtay oo ay la socdeen 25 Tahriibayaal ah oo u dhashay Itoobiya iyo laba kale oo kasoo jeeda dalka Yemen ay ku qalibantay Gobolka Taciz.

Wararku waxay intaas ku darayaan in meydadka ilaa 11 xubnood oo ragg ah iyo labo dumar ah laga soo saaray biyaha isku xira gacanka Cadmeed iyo bada cas, halka 14 kale oo ay ku jiraan labada kasoo jeeda Yemanna la la’yahay.

Wakaaladda wararka ee Associated Press, waxay sheegtay in tahriibayaasha kasoo jeeda Itoobiya ee doonidu la degtay ay kasoo ambabaxeen wadanka Jabuuti, mana ahan markii ugu horraysay oo dhacdo tan la mid ah laga soo tabiyo xeebaha dalka Yeman, dhowr jeer ayay sidan oo kale dad kasoo jeeda Itoobiya dooni kula degtay xeebaha waddankaasi, halkaas oo ay ku dhinteen tobannaan qof halka kuwa kalena lagu waayay.

FAAFREEB PRO