Wada-Hadaladii Geneva oo Fashilmay iyo Malaayiin Suudaaniyiin ah oo Macluul la il Daran.

Aug 26, 2024

Majalda iilaaf ee kasoo baxda dalka Sacuudi Carabiya ayaa daabacday dalka ay dagaaladu halakeeyeen ee Suudan oo ay dadkiisu markale wajahayaan xaalad macluul ah.

Sida lagu cadeeyey xogta saxiifada in ka badan 45 Milyan oo ruux ayaa ku sugan xaalad cunto la’aan ah, waxaana wadooyinka qaar ee wadankan lagu arkayaa tobaneeyo ruux oo nafbaxay kadib markii ay gaajadu ka tanbadisay.

Waxaa dhanka kale lasoo warinayaan in ciidanka militariga Sudan ayaa saacadihii lasoo dhaafay ogolaadeen in ilaa 15 gaar oo ay leedahay hay’ada QM ay gudaha usoo galaan wadanka, iyagoo kasoo gudbaya xadka dhanka wadankan Chad, si ay raashin u gaarsiiyaan qaar kamid ah bulshada wadanka.

Gobolka Daarfuur iyo qeybta galbeed ee wadanka, waa goobhaa ugu badan ee hadal aga soo warinayo macluusha ugu daran, ayna ka socdaan dagaalada sida aadka ah loogu hoobtay.

Waxaa dhanka kale lagu soo waramayaa iney gabi ahaanba fashilmeen wadahadaladii la qorsheynayey iney ka dhacaan magaalda Geneva ee dalka Switzerland, kuwaas oo la doonayey in looga hadlo heshiis labada dhinac nabad usoo jiidi kara.

FAAFREEB PRO