Iyadoo mudooyinkii danbe uu sii xoogaysanayay khilaafka udhaxeeya maamulka ridada Soomaliland iyo Kooxda Ridada ee fadhigeedu yahay Mogdisho, ayuu murtad Muusa Biixi Cabdi maanta weerar afka ah ku qaaday murtad Xasan Gurguurte.
Hogaamiyaha maamulka Hargaysa ayaa sheegay in Gurguurte kooxdiisa ay magan ugu jiraan ciidamada kufaarta Afrikaanta ee dullaanka ku jooga Soomaaliya.
Wuxuu intaa ku daray Muusa Biixi in xitaa murtad Xasan Sheekh Maxamuud uusan awood ulaheyn in uu sugo amniga gurigiisa.
“Maalmahan dawladda Xamar ka dhisan ee maganta ugu jirta Afrikaanka, ayaa aad inoogu hanjabaysa, talo xumada koowaadna waa madaxweynaha Xamar joogaa isaga oo aan gurigiisa ka xukumin Xamar ayuu meel walba ka sheegayaa inuu Somaliland kasoo saaray waraaqo uu leeyahay Somaliland diyaaradi ma tegi karto, baanankuna ma tegi karaan, waana naftii hafar” ayuu yiri Muusa Biixi.
Hadalka hogaamiyaha maamulka ridada Somaliland ayaa imaanaya iyadoo maamulkaan fadhigiisu yahay Hargaysa uu gaashaanka udaruuray in lafuliyo awaamirta kasoo baxday Kooxda Ridada oo si gaar ah ugu socotay shirkadaha ganacsiga.
Mudo sideed bilood ah ayeey Gurguurte iyo Muusa Biixi hawada isku marinayeen hadaallo ay isku weerarayaan , khilaafkooda ayaana salka ku haaya iibinta xeebaha wadanka, oo midkata oo kamid ah uu isagu doonayo in uu ka iibyo xabashida Itoobiya ,dalaalna ka noqodo dhaxal wareejinta hantida umada Soomaaliyeed.