Daawo+Akhriso: Digniinta Kasoo Baxday Mujaahidiinta ee Ku Wajahan Shirkadaha Ganacsiga .

Aug 26, 2024

Sheekh Cali Maxamuud Raage Sheekh Cali Dheere afhayeenka Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab, ayaa jeediyay fariin digniin ah oo kusocota Shirkadaha, Bangiyada iyo Shakhsiyaadka ku lugta  leh boobka hantida shacabka muslimka ah ee Soomaaliyeed.

Sheekha ayaa kalimadiisa kusoo hadal qaaday canshuuraha ay soo rogtay Kooxda Ridada Soomaaliya iyo shirkadaha uhogaansamay awaamirta ridada.

“Maanta oo ah Axad Taariikhduna ku beegantahay 21 Safar 1446H, islamarkaana Ku began 25 Agoosto, 2024, Waxaan xogteeda iyo xaqiiqadeeda haynaa mujrimiinta uu Xassan Gurguurte ugu horeeyo, ee ku heshiiyey burcadnimada cusub ee lagu boobayo dhaqaalaha shacabka Muqdisho.

Waxaan ognahay shirkadaha iyo bangiyada khaa’imiinta ah ee ay dadka Muslimiinta ah ku aamineen hantidooda, kadibna xogihii ay hayeen la wadaagay gaalada iyo murtadiinta, hadana saami ku leh lacagta boqolkiiba shanta [%5] lagu sheegay ee xoogga looga qaadanayo shacabka Muslimiinta ah ee nolol-maalmeedkooda la daala-dhacaya.

Waxaan xogteeda haynaa tallaabada ku xigta ee ay soo wadaan, taas oo boqolkiiba boqol ka halis badan waxa ay maanta ku kacayaan. Waxaan la soconaa go’aanada kasoo baxaya waxa loogu yeero wazaarada maaliyada ee kooxda ridada, ee laga soo meersaday waxa loogu yeero IMF iyo world Bank, iyo haadamada halista ah ee ay hay’adaha reergalbeedka ee dhiig-miiratada ah ku sii wadaan dhaqaalaha dalka”ayuu yiri Sheekh Cali Dheere.

Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa cadaysay mawqifkeeda ku aadan boobka lagu haayo hantida umada Soomaaliyeed, wuxuuna sheekh Cali Dheere uu yiri :Waxaan rabnaa inaan cadeeyno mowqifkeena ku aadan ficillada boobka iyo burcadnimada ah ee ka socda dalka gaar ahaan Muqdisho, kuwaas oo ay ku kacayaan kooxda ridada, iyo shirkado ku bahoobay burburinta dhaqaalaha dalka iyo bangiyo mujrimiin ah. Hadii aan nahay Xarakada Shabaab Al Mujaahidiin, wax badan ayaan ka hadalnay qorshayaasha guracan ee uu cadawgu la damacsanyahay dhaqaalaha ummada Soomaaliyeed. Wax badan ayaan ka dignay hagardaamooyinka loo maleegayo ganacsatada Soomaaliyeed ee lagula wareegayo hantidooda. Maanta waxa ka socda Muqdisho waa qayb yar oo kamid ah hagardaamooyinka aan wax badan ka digeynay, waxa soo socda ayaana ka badan, kana sii daran, hadii aanan maanta laga gaashaamanin. Waxaa waajib sharci ah nagu ah difaaca hantida dadka Muslimiinta ah kana hor istaagno mooriyaanta macaash doonka ah ee isu soo bahaysatay boobka dhaqaalaha shacabka Soomaaliyeed”.

Gabagabadii Sheekh Cali Dheere ayaa digniin kama danbays ah udiray shirkadaha ganacsi ee uhogaansamay awaamirta ridada.

“Waxaan digniin kama dambeys ah siinaynaa shirkadaha, bangiyada iyo shakhsiyaadka ku lugta leh boobka ka dhanka ah xoolaha dadka muslimiinta ah ee xoogga looga qaadanayo. Waxaan u sheegeynaa inay faraha kala baxaan qorsheyaasha gurracan ee Umadda u horseedaya faqriga iyo saboolnimada”

Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa shacabka Soomaaliyeed ugu baaqday in ay hantidooda kala baxaan shirkadaha ku lugta leh boobka hantida umada ,waxa uuna yiri Sheekh Cali Maxamuud Raage “Waxaan shacabka Soomaaliyeed ku wargelinaynaa inay muddo hal isbuuc ah, oo ka billaabanaysa berri ay oo taariikhdu tahay 22 Safar 1446H oo ku beegan 26 Agoosto 2024, hantidooda kagala baxaan bangiyada iyo shirkadaha fududeynaya boobka lagu bililiqeysanayo hantida bulshada, waxaan dadweynaha u sheegeynaa in haddii ay mudadaas ugala bixi waayaan hantidooda ay iyagu qaadayaan mas’uuliyada wixii ka yimaada arintaa iyada ah”.

GUJI HALKAAN SI AAD UDAAWATO KALIMADA SHEEKH CALI DHEERE