Hogaamiyaha TPLF oo Soo Saaray Amar uu Xilka Uga Qaaday Madaxwaynaha Maamulka Tigreega.

Aug 28, 2024

Waxaa sii xoogeystay khilaafka udhaxeeya jabhadda xoreynta qowmiyadda Tigreega ee dagaallada culus lasoo gashay dowladda Itoobiya ee uu hoggaamiyo Abiy Axmed.

Warsaxaafadeed kasoo baxay hoggaanka kooxda TPLF ayaa lagu eryay dhammaan madaxda maamullada gobollada iyo degmooyinka waqooyiga Itoobiya ee uu horay u magacaabay Gitaajo Reda oo ahaa madaxweynihii kumeelgaarka ismaamulka Tigray.

Debersoon Gebra Makaa’iil oo ah saliibiga dhowaan loo doortay in uu noqdo guddoomiyaha kooxda TPLF ayaa war uu soo saaray ku sheegay in Getaajo uusan waxba ma gacaabi karin islamarkaana laga saaray xubinimada kooxda.

Warqad loo qeybiyay xafiisyada kala duwan ee waaxaha maamulka ayaa lagu faray in aysan wax macaamil ah layeelan karin madaxweynihii hore ee ismaamulka Tigreega.

Jabhadda TPLF ayaa hadda ukala qeybsan laga garab, Getaajo Reda ayaa noqday wakiilka Abiy Axmed ee gobolka wuxuuna taageero ka helayaa saraakiil ciidan oo la baxay ciidanka difaaca Tigreega oo marka magacooda lasoo gaabiyo loo yaqaan TDF.

Kala qeybsanaantan cusub ee soo kala dhaxgashay jabhadda Tigreega ayaa sababi karta dagaal daakhili ah oo markale dib uga qarxa waqooyiga Itoobiya,cidda kaliya ee khilaafkan cusub ka faa’iidaysa ayaa ah nidaamka Abiy Axmed oo colaad gaamurtay ay kala dhaxayso TPLF