Shirkadadaha shisheeye ee kooxda Riddada Somalia u gacan gelisay ilihii dhaqaale ee ugu sareeyay dalka, ayaa madaxa isla galay sidoo kalena isku qabtay maamulka boobka dhaqaale ee ay ka wadaan garoonka diyaaradaha ee Muqdisho.
Shirkadda Favori LLC ee maamusha garoonka diyaaradaha magaalada caasimadda ah, lagana leeyahay waddanka Turkiga ayaa warqad rasmi ah oo ay u dirtay kooxda Riddada, kaga soo horjeesatay tallaabo ay qaadday kooxda Xasan Gurguurte oo ay ku magacowday shirkad laga leeyahay Imaaraadka Carabta.
Warqadda kasoo baxday shirkadda Favori oo la ogaysiiyay Safaaradda Turkiga, ayay ku sheegtay in aysan marnaba aqbaleynin go’aanka shirkada lagu magacaabo NAV-PASS oo laga leeyahay Imaaraadka Carabta lagu siiyay inay qaado lacagta hawada Soomaaliya.
War qoraalka kasoo baxay shirkada Turkigu leeyahay, waxay sidoo kale ku sheegtay in heshiiskii loo saxeexay sannadkii 2013-kii, uu kasoo horjeedo Heshiiska cusub ee hadda lagu howlgeliyay shirkadda NAV-PASS ee dhanka Imaaraadka laga leeyahay.
Khilaafka soo kala dhex galay shirkadaha Shisheeye ee lagu kala magacaabo Favori LLC & NAV-PASS, ee ku aadan boobka hantida shacabka Soomaaliyeed, ayaa kusoo beegmaya xilli kooxda Riddada Somalia ay sannadkan gashay heshiisyo sharci darro ah oo iska hor’imaanaya.
Shirkadaha laga leeyahay Imaaraadka carabta oo ka mid ah kuwa boobka dhaqaale ka wada dalka, ayaa gacanta ku haya dekadaha Berbera iyo Boosaaso, marka lagu daro go’aanka looga howlgalinayo garoonka diyaaradaha Muqdisho, waxay haddana shirkadaha dalkaas laga leeyahay doonayaan inay la wareegaan maamulka dekadda magaalada Kismaayo ee xarunta maamulka ashahaada la dirirka ah ee Jubbaland.
FAAFREEB PRO