Akhriso: Jawaab Celinnadii Laga Bixiyay Hanjabaadii Kasoo Yeertay Dowlada Itoobya.

Aug 29, 2024

Jawaab celinno kala duwan ayaa durbadiiba laga bixiyay warkii digniinta ahaa ee shalay gelinkii dambe kasoo baxay dowladda Xabashida Itoobiya, kaasi oo ku wajahnaa xasaradaha siyaasadeed ee ka aloosan geeska qaaradda Afrika.

Warbaahinta ay maalgeliyaan xukuumadaha Qaahir iyo Addis Ababa ayaa siyaabo kala duwan wax uga qoray loollanka cusub ee lafilayo in uu gorodda geliyo geeska qaaradda.

Wariyaal iyo baarayaal xabashi iyo Masaari ah kana shaqeeya masaalixda Abiy Axmed iyo Cabdilfataax Alsiis, ayaa baraha bulshada ku faafiyay qoraallo ay isugu jawaabayaan, waxayna ugu horrayn kuwa dowladda Masar ku eedeeyay nidaamka xabashida ee fadhigiisu yahay magaalada Addis Ababa, in uu qas iyo jiha wareer amni ka wado bariga Afrika islamarkaana uu doonayo in uu qabsado biyaha mandiqadda.

“Masar iyo Soomaaliya Ogolaanshiyo ugama baahna in ciidamo masaari ah ay qeyb ka noqdaan howlgalka nabad ilaalinta midowga Afrika” waxaa sidaas bartiisa Twitter-ka ku qoray Khaalid Maxmuud oo ah wariye si aad ah ugu dhow nidaamka dabadhilifka Masar.

Shabakadda Ethiopian Monitoring ayaa iyana qoraallo dhowr ah oo ah ku daabacday bogageeda internetka, waxay ku taageertay bayaankii wasaaradda arrimaha dibadda Itoobiya ee goodiska ahaa, waxayna Masar ku eedaysay in ay dab kusii shidayso xasaradaha geeska Afrika.

Max’med Alcaruusi oo ah lataliyaha wasaaradda korontada iyo biyaha Itoobiya, xubinna ka ah xisbiga talada haya talada wadankaas ayaa isna dhaleeceeyay wax uu ugu yeeray qar iska xoornimada ku dhisan xasilooni darrada ee ay Masar ka waddo geeska qaarada.

Calooshood u shaqeystayaasha Abiy Axmed ee internetka ayaa weerar afka ah ku qaaday Alsiisi waxayna qoraalladooda ku muujinayeen in ciidanka Xabashida Itoobiya ee ku sugan Soomaaliya uu ka shaqeynayo difaaca amniga qowmiga itoobiya.

Dhinaca kale mas’uuliyiin katirsan dowladda Ridada Masar ayaa usheegay wakaalladda wararka ee Roytaris, in laba diyaaradood ee ay Al Qaahira udirtay Soomaaliya maalin ka hor, ay saanado hub iyo rasas ah ka dejiyeen magaalada caasimada ah ee Muqdisho, arrinkaas oo qeyb ka ah heshiiskii ay kooxda ridada lagashay nidaamka Cabdi Al Fitaax Al Siis.

“Itoobiya marnaba suuragal uma ahan iney indhaha ka daawato waxa ka dhacaya geeska Afrika, halka dhinacyada kale ay tallaabooyin qaadayaan”ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka kasoo baxay wasaaradda arrimaha dibadda Itoobiya.

Dowladda Xabashida ayaa ka walaacsan in duullaanka saliibiga soomaaliya lagusoo biiriyo awood ciidan oo aan iyada hoostagin, waxaana xusid mudan in 18-kii sano ee kufaarta afrikaanta ay duullaanka ka wadeen dalkan muslimka soomaaliya, ay itoobiyaanku hormuud u ahaayeen soo duulayaasha, lagalana tashan jiray howlgallada ashahaadda ladirirnimo ee dalka ka socda.

illaa iyo hadda waxaa gudcur kujira howlgal cusub oo uu Midowga Afrika ansixiyay, balse aan aqbalaad ka helin Q,Midoobay,Mareykanka iyo Midowga Yurub, wuxuuna murun badan ka taaganyahay cidda hoggaaminaysa howlgalkan iyo hadii la bixin waayo fangareentiisa halka uu ku dambeyndoono masiirka xukuumada looga arimiyo Villa Soomaaliya.