Kooxda ridada Soomaliya ayaa heshiis la gashay Shirkad laga leeyahay dalka Imaaraatka carabta taasoo lagu wareejiyey inay maamusho hawada Soomaliya.
Nuqullo kamid ah heshiiskaan oo lagu baahiyey baraha Bulshada ayaa dhigaya in shirkadaan oo lagu magacaabo NAV-PASS (Naf-Baas) ay howsheeda noqon doonto maamulada Hawada Soomaaliya, waxayna awood u leedahay hagida dhammaan howlaha Hawada dalka iyo duulimaadyada.
Markii uu soo ifbaxay heshiiskaan ay kooxda ridada u saxiixday maamulka Hawada Soomaliya Shirkadaan, waxaa uu dhaliyey falcelin ballaaran oo bulshada Soomaliyeed ay ka muujiyeen, ugana soo horjeesteen.
Kooxda ridada Soomaliya ayaa la sheegay in heshiiskaan ay ku qaadatay lacago fara badan oo ay ka heshay shirkadaan loo saxiixay inay maamusho hawada Soomaliya.
Dhinaca kale Shirkadda Favori (Faafoori) ee maamusha garoonka diyaaradaha magaalada caasimadda ah, lagana leeyahay waddanka Turkiga ayaa warqad rasmi ah oo ay u dirtay kooxda Riddada, kaga soo horjeesatay tallaabo ay qaadday kooxda Xasan Gurguurte oo ay heshiis kula gashay shirkad laga leeyahay dalka Imaaraatka Carabta.
Warqadda kasoo baxday shirkadda Favori oo la ogaysiiyay Safaaradda Turkiga, ayay ku sheegtay in aysan marnaba aqbaleynin go’aanka shirkada lagu magacaabo NAV-PASS oo laga leeyahay Imaaraadka Carabta lagu siiyay inay qaado lacagta hawada Soomaaliya iyo maamulkaba.
War qoraalka kasoo baxay shirkada Turkigu leeyahay, waxay sidoo kale ku sheegtay in heshiiskii loo saxiixay sannadkii 2013-kii, uu kasoo horjeedo Heshiiska cusub ee hadda lagu howlgeliyay shirkadda NAV-PASS ee dhanka Imaaraadka laga leeyahay.