Wararka ka imaanaya magaalada Baladweyne ee xarunta gobolka Hiiraan ayaa ku waramaya in askari katirsan maleeshiyaatka murtadiinta uu qof shacab ah ku dilay magaaladaasi.
Dilka ayaa si gaar ah waxuu barqadii uga dhacay barkantarool oo ku taalla xaafada Howlwadaag.
Wiilka dhalinyarada ah ee la dilay ayaa lagu magacaabaa Cabdiwali Shiine, waxuuna kamid ahaa dhalinyarada caanka ka ah xaafada Holwadaag ee Baladweyne.
Cabdiwali Shiine iyo askariga murtadka ah ee dilka geestay ayaa waxaa soo kala dhaxgalay muran, sidaa ayaana lagu toogtay qofka shacabka ah.
Falkaan ayaa qeyb ka noqonaya dhibaatooyin isdaba jooga ah oo ay wajahayaan shacabka Baladweyne kuwaas oo ay gaysanayaan Kooxd Rdada Soomaaliya iyo maamullada ridada ah ee isugu kala yeeray Hiirshabeelle iyo Hiiraan State.