Xaalad Cakiran oo Kataagan Boorama Kadib Xarigii Maxamad Abiib.

Sep 3, 2024

Xiisado siyaasadeed oo xooggan ayaa ka taagan deegaanno ka tirsan gobolka Awdal ee dhaca waqooyiga Somalia, kaddib markii maleeshiyaadka maamulka ashahaada la dirirka ah ee Somaliland ay xabsiga dhigeen xildhibaan murtad ah oo kasoo jeeda gobolkaasi.

Wararka Awdal laga helayo waxay sheegayaan in maleeshiyaad hubeysan oo ka gadoodsan xarigga Maxamed Abiib oo ah nin si wayn u mucaaradsan nidaamka Muuse Biixi ay maanta xirteen waddada isku xirta magaalooyinka Hargaysa iyo Boorama.

Muuqaallo iyo sawirro lagu faafiyay baraha bulshada ayaa muujinaya xiisadda ka taagan duleedka Boorame, maleeshiyaadka Maxamed Abiib taageersan ayayna mudo saacado ah gaadiid badan ku xannibanyihiin halka lagu magacaabo Gorayo-cawl ee dhacda duleedka magaalada sida ay ilo-wareedyo dhanka deegaanka ah soo sheegeen.

Wararku waxay intaasi ku darayaan in maleeshiyaad kale oo taabacsan maamulka Muuse Biixi oo ku hubeysan gaadiidka nooca dagaalka ay iyaguna soo gaareen aagga gaadiidka lagu xiray, dadka rayidka ah ee waddadaas ku xayiran ayaa ka baqdin qaba in xiisadu isku beddesho gacan ka hadal oo uu iska hor’imaad dhexmaro labada dhinac ee kala taabacsan Muuse Biixi iyo Maxamed Abiib.

Dhanka kale banaanbaxyo xoogan oo looga soo horjeedo maamulka Soomaliland ayaa waxay ka dhaceen magaalada Boorama.

KUSOO BIIR BARAHEENA TELEGRAM.

https://t.me/Faafka5
https://t.me/Faafka6