In ka Badan 10 Ruux oo ku Dhintay Kanaal Isku Xira Faransiiska iyo Ingiriiska.

Sep 4, 2024

Ugu yaraan 13 tahriibayaal ah oo ay ku jiraan saddex carruur ah ayaa ku dhintay kadib markii ay doon yar oo siday ay ku quustay kanaalka isku xira Faransiiska iyo Ingiriiska, xili ay isku dayayeen inay doonta yar ku gaaraan Ingiriiska.

Tan iyo bilowgii sannadkan dhimashada ka dhalatay iskudayga ay tahriibayaashu ku doonayaan inay ku gaaraan Ingiriiska iyagoo ka baxaya Faransiiska ayaa gaartay 40 qof.

Toddobaadkii lasoo dhaafay, madaxweynaha dolwadda saliibiyada Faransiiska Emmanuel Macron iyo Ra’iisul wasaaraha xukuumada saliibiyada ah ee Ingiriiska, Keir Starmer ayaa codsaday in si dhow la iskula shaqeeyo si wax looga qabto marinnada laga soo gudbiyo tahriibayaasha.

FAAFREEB PRO

Kusoo biir bareheena Telegramka 👇

https://t.me/Faafka5

https://t.me/Faafka6