Xiisada colaadeed ayaa lagasoo sheegayaa deegaanno iyo degmooyin katirsan ismaamulka Tigray ee dhaca waqooyiga wadanka Itoobiya.
Wararka ka imaanaya magaalada Maqalla ayaa sheegaya in dhaq dhaqaaqyo ciidan ay wadaan dhinacyada is khilaafsan ee ay ukala jabtay Jabhadda xoreynta qowmiyadad Tigreega ee loo yaqaan TPLF.
Kumanaan maleeshiyaad ah oo daacad u ah Gitaajo Reda oo sheegta in uu yahay madaxweynaha maamulka Kumeelgaarka Tigray balse xilka qaadista lagu sameeyay ayaa difaacyo ka qotay xarunta madaxtooyada iyo dhowr xaafadood oo Maqalla katirsan.
Ciidamo daacad u ah hoggaamiyaha jabhadda TPLF ninka lagu magacaabo Gabra Mikaa’iil Debersoon ayaa iyana isku gedaamay inta badan waddooyinka ka baxa magaalada Maqalla illaa iyo garoonka diyaaradaha caalamiga ah waxayna dadka usheegayaan in ay ka fogaadaan halka ay ku suganyihiin maleeshiyaadka Gtaajo Reda.
Labada garab ee TPLF ay ukala jabtay waxay haystaan ciidamo kumanaan ah iyo saraakiil caan ah, garabka Getaajo Reda waxaa ugalay taliyihii ugu sarreeyay jabhaddii TPLF kaasi oo hadda madax u ah koox lamagac baxday TDF halka garabka kale ay haystaan intabadan siyaasiyiintii caanka aheyd ee Tigreega oo Itoobiya maamulayay xilligii uu Males Zenaawi maamulayay xabashida.
Magaalooyin dhowr ah oo ay kamid yihiin Cadwa iyo Raaya ayaa laga dareemayaa isku hub aruursi ay wadaan garabka kooxda TPLF ee kala qeybsamay.
Nidaamka Abiy Axmed ayaa taageero umuujinaya garabka madaxweynihii Kumeelgaarka ahaa ee dhowaan laga saaray xubinimada kooxda.
Hay’adaha sheegta in ay udoodaan xuquuqul insaanka ayaa ka digaya in khilaafkan daakhiliga ah uu meesha ka saaro heshiiskii biritooriya ee lagusoo afjaray dagaalkii sokeeyay ee ka socday ismaamulka Tigray.
FAAFREEB PRO
Kusoo biir bareheena Telegramka 👇
https://t.me/Faafka5