Wargeyska The Economic Times ayaa nashrisay maqaal ku saabsan Shiinaha oo lacag balaayiin dollar ah balqan qaaday inuu sanahada soo aadan ku maalgalin doono wamada dhaca qaarada Africa, si miisha looga sii tirtiro awoodii Mareykanka iyo reer galbeedka ee lagu wiiqay dhulka qaaradan.
Tan iyo bilowgii isbuucan waxaa gudaha caasimada Shiinaha ee Beijing ka socday shir madaxeed lagu kulmiyey dhamaan madaxda hogaamisa dalalka Africa marka laga reebo dhor dal oo aysan madaxdoodu xaadirin mooye, waxaana halkaas ka dhacay kulamo dhowr ah oo badankood ku fooraray sida Shiinuhu uu usii balaarin karo cilaaqaadkiisa wadamada Africa.
Madaxweynaha Shiinaha Xi Jinping ayaa saacadihii lasoo dhaafay shaaciyey intii lagu guda jiray shirkaas, in aduun lacageed oo gaaraya ilaa 50 bilyan oo dollar uu ku fangareen doono 3 sano ee soo socota wadamamda Africa, si ay u usii xoojiyaan cilaaqaadka iyo iskaashiga dhaqaale, dabcan waa sida uu hadlka u dhigee.
“Shiinuhu waxa diyaar u yahay inuu sii qoto dheereeyo iskaashiga uu la leeyahay dalalka Afrika ee dhinacyada warshadaha, beeraha, kaabayaasha, ganacsiga iyo maalgashiga,” ayuu sidoo kale yiri ninkan.
Madasha uu ninkan hadalkaas kaga dhawaaqayey waxaa xaadir ku ahaa in ka badan 50 hogaamiyaal Afrikaan ah, waxaana sidoo kale Meesha ka marneen oo fadhiyey xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay ninka lagu magacaabo Antonio Guterres.
Dhanka kale waxaa xusid mudan in intii uu socday shirkan ay xukuumada Beijing heshiisyo gaar ah la gashay wadamo badan oo dhaca qaaradan Afrika, waxaana heshiisyadaas kamid ah beeraha iyo kheyraadka ay bilaha usoo saaraan, macdan qodista, ganacsiga iyo dhalinta tamarta kororntada.
Hadalkan kasoo yeeray Shiinaha ayaa markale dharbaaxo siyaasadeed ku ah mareykanka iyo xulafadiisa reer galbeedka, oo sanadihii u dambeeyey si xowli ah looga xidada siibayey qaaradan, taas badalkeedna ay ku luga fidsanayaan Ruushka iyo xulafadiisa oo uu ugu horeeyo Shiinaha.
FAAFREEB PRO