Sida ay sheegeen gaalada QM dooni siday tahriibayaal fara badan ayaa ku dagtay xeebaha dalka Talyaaniga.
Hay’adda QM u qaabilsan arrimaha qaxootiga ayaa war ay soo saartay waxay ku sheegtay in maalintii Axada ee todobaadkaan ay xeebaha Laamaduusa ku dagtay dooni ay saarnaayeen dad Tahriibayaal ah oo u badnaa Africaan kuwaasi oo gaarayey ilaa 40 ruux..
Inta la xaqiijiyey waxaa ku dhintay doonidaasi dad gaaraya ilaa 20 ruux, halka lasoo badbaadiyey 12 kale oo kamid ahaa dadkii doonidaasi saarnaa.
Dadkaan ayaa kasoo baxay xeebaha dalka Liibiya, waxayna kusoo jeedeen dalalka Yurub oo ay usoo tahriibeen.
Kusoo biir bareheena Telegramka 👇
https://t.me/Faafka5