Dad Soomaali ah oo ay Saameysay Xirnaashiyaha Xuduudka u Dhexeeya Sudaan iyo Koonfurta Sudaan.

Sep 7, 2024

Mudo maalmo ah waxaa xuduuda udhaxaysa wadamada Suudaan iyo Koonfurta Suudaan ku xyairan boqolaal gaadiid ah oo wada shidaal kuwaas oo ay badanaa leeyihiin ganacsato Soomaaliuyeed.

Gaadiidka shidaal sida ee xayiran ayaa gaaraya ilaa ilaa labo boqol oo nuuca xamuulka qaada ah.

Gawaaridan ayaa markii hore ku wajahnaa magaalada Abyei ee u dhexeysa xadka labada Suudaan.

Intii ay wadada kusoo jireen ayaa lasoo warinayaa in laga dilay hal ruux oo Soomalu ah kaas oo magaciisa lagu soo koobay Xuseen.

Colaada ka holceysa dalka Suudaan iyo caqabada ka taagan xadkan ayaa cirka isku sii shareertay mudooyinkii dambe, waxaana hada laga cabsi qabaa in dhibaato ay intaan kasii balaarato lana dilo boqolaal kale oo ruux.

FAAFREEB PRO

kusoo biir baraheena Telegram-ka 👇

https://t.me/Faafka2

https://t.me/Faafka90