Dowladda dabadhilifka ah ee Masar ayaa lagu soo waramayaa inay heshiis la gashay Shiinaha si ay u iibisato diyaaradaha dagaalka ee J-10C, iyadoo ujeedadu tahay inay baddasho diyaaradaheeda F-16 ee Fighting Falcons.
Sida laga soo xigtay warbixino kala duwan, heshiiska Chengdu J-10C ayaa la saxiixay bihsii Agoosto 19, ee sanadkan 2024.
Talaabadan ayaa daba socota hadal heynta sii kordheysa ee ah in Masar ay raadineyso bedel ay ku casriyeyso ciidamadeeda cirka, iyadoo dalkaasi uu bilaabay inuu joojiyo diyaaradii F-16 ee hore.
Khubarada ayaa saadaalinaya in Shiinuhu uu balaayiin macaash ah ka heli doono iibinta hubka & diyaaradaha dagaalka ee Masar.
Dhanka kale waxay midaan kusoo beegantay xilli xiisada gacan kahadalka u dhow ee u dhexeysa Masar iyo Itoobiya ay hadal heyn xoogan dhalisay todobaadyadii lasoo dhaafay.
Waxaana dhanka kale Itoobiya ay wadaa dhaqdhaqaayo ay ku muujineyso diyaargarow dagaal, iyadoo ka biya diidsan in galaangalka geeska Afrika uu xaliif dhaw ku noqodo xukuumad uu in muda ah kala dhexeeyey dagaal nuuc walba leh.
FAAREEB PRO
Kusoo Biir Bareheena gaarka ah oo la soco wararkeena 👇