Mareykanka oo Iran ku Eedeeyey in Gantaallo ay Siisey Ruushka.

Sep 8, 2024

Saxiifada New York Times ayaa daabacday warbixin ka hadleysa Mareykanka oo sheegay in Iran ay gantaalo fara badan gacanta ka saartay Ruushka si uu ugu adeegsado dagaalka Ukrain, iyo xukuumadaha Tehran iyo Kiyev oo ka arinkaas uga falceliyey siyaabo kala duwan.

Sida ay tibaaxeyso xogta majaladan Ameerikaanka ah, saraakiil sar sare oo ka tirsan xukuumada washington iyo kuwa yurubiyaan ah ayaa sheeca ka qaaday in Iran ay Ruushka siisay gantaalada ridada gaaban oo boqolaal xabo ah, midaas oo ay ku tilmaameen iney dab kusii shideyso waxa colaad ah ee ka dhax oloolsan Kiyev iyo Moscow.

Waxa sidoo kale saraakiishan sheegeen in Tehran ay midaan ka dambacsantahay in Ruushku uu si dag dagsiimo leh uu u sameeyo kabasho la taaban karo, maadaama mudooyinkan dambe ay ku socdeen dharbaaxooyin culus, iyo in gantaaladan ay si toos ah u gaaraan bartilmaameedyada muhiimka ah eek u yaala gudaha caasimada Kiyev.

Kadib soo yeeritaankii hadalkaas waxaa soo jawaabtay dowladda Ukrain, iyadoona goodis culus hawada u marisay Iran, sheegtayna hadii waxyaabaha la sheegayo ay xaqiiqo noqdaan ay eedi doonto misana ay la kulmi doonto talaabooyin aysan mahdin.

Waxayna wasaaradda difaaca Kiyev sheegtay in haddii gantaallada Iran ay siisay Ruushka ay waxyeelo ka geestaan gudaha Ukrain, ay bixin doonaan jawaabta ku haboon, taasoo lagu micneeyey in Ukrain ay weeraro sawaariikh ah ay ku qaadi doonto gudaha caasimada Tehran.

Mar xaalku uu intaa marayo Internet-ka u uku baahay hadalkii kasoo yeeray mareykanka iyo falcelintii Ukrain, waxaa soo hadashay dowladda Iran, iyadoona sheegtay in waxba aysan ka jirin wararka sheegaya in ganataalo nuucoodu yahay kuwa ridada gaaban ee Baaliistic-ga ah ay ugu deeqday xaliifkeeda Ruushka.

Wasaarada arimaha dibada Tehran ayaana sheegtay in midaan ay tahay eedeyn aan xaqiiqada ku saleysneen oo kusoo noq noqotay in badan, iyaguna aysan hada u qorsheysneen iney qeyb ka noqdaan loolanka u dhexeeya Ruushka iyo Ukrain, ayna daneynayaan iney arintu ay kusoo gaba gabowdo wadahadalada miiska.

Siyaasiyiin fara badan oo wax ku dhisanaya hadalka kasoo yeeray Mareykanka iyo falcelinada kala duwan ee ay bixiyeen Ukrain iyo Iran, waxaay sheegeen in ay u muuqato in Tehran aysan hada daneyneyn faragalin ay ku sameyso loolan soo jiitamayey mudo fog, maadaama ay hada dhinaca bariga dhexe ay ka wajaheyso xiisado kala duwan, xalkuna uu ugu jiro ineysan isku furin albaabo badan oo colaadeed.