Duqeyn Lagu Beegsaday Villa Somalia iyo Askar Keenyaati ah oo Mandheera lagu Weeraray.

Sep 8, 2024

Ciidamada mujaahidiinta ayaa weeraray kolonyo ciidamo saliibiyiin Keenyaati ah oo kasoo baxay deegaanka Dhamase ee hoostaga dagmada Lafeey ee gobolka Mandheera dhulka Soomaaliyeed ee Kenya gumeysato.

Dagaal culus oo qabsaday kadib ciidamadii gaalada ayaa dib ulaabtay, iyagoo la gaarsiiyay khasaare isugu jira mid nafeed iyo mid hantiyeed.

Ciidamada Mujaahidiinta ayaa xaley weeraro madaafiic ah ku qaaday saldhigyo iyo xarumo murtadiinta ay ku leeyihiin gudaha magaalada Muqdisho.

Goobaha xaley madaafiicda lagu weeraray waxaa kamid ah. Xarunta Madaxtooyada kooxda ridada Soomaliya ee loo yaqaano (Villa-Soomaliya).

Sidoo kale, Mujaahidiinta waxay madaafiic ku garaaceen saldhigyo maleeshiyaatka ridada ay ku kala leeyihiin degmooyinka kala ah, Xamarweyne, Xamar-Jajab, Hilwaa, Yaaqshiid, Kaaraan, waxaana jira khasaaro gaaray maleeshiyaatkii ridada ee ku sugnaa saldhigyadaasi.