Gudaha dalka Kenya waxaa aad ugu soo badanaya mudooyinkii dambe caruurta yar yar ee qaba cudurka halista ah ee kansarka.
Tirkoob la sameeyo sannadkasta ayaa lagu ogaaday in ugu yaraan 3.000 caruur ah oo qaba cudurka Kansarka sannadkasta laga helo gudaha kenya, waana sida lagu sheegay war kasoo baxay wasaaradda caafimaadka ee dowladda saliibiyada Kenya.
Arrintan ayaa muujineysa sida uu cudurkan ugu faafayo gudaha dalkaasi, iyada oo sidoo kale dad badan oo keenyaan ah ah ay wajahayaan cudurada Busbuska iyo cudurada kale ee faafa.
Waxaa sidoo kale xusid mudan in wadankan uu kaalmaha hore afrika kaga jiro xaga faafitaanka xanuunka dilaaga ah ee HIV ADIS-ka, waxaana sanad walba la diiwaangaliyaa tobaneeyo ruux oo laga helay, taasoo ay u sababtahay faafitaanka fisqiga iyo iney xarga goosad noqdeen goobaha lagu tunto iyo kuwa habeenki xilliga dambe lagu caweeyo.
FAAFREEB PRO