Xuuthiyiinta oo Markale 72 Saac Gudohooda soo Riday mid Kamid ah Diyaaraha MQ9.

Sep 10, 2024

Maleeshiyaatka Xuthiyiinta Yeman ayaa maanta sheegay in ay soo rideen mid kamid ah diyaarad aan duuliye lahayn ee uu leeyahay Mareykan ah, halka Washington-na ay tibaaxday iney burburisay ilaa Labo ka mid ah gantaalada ridada dheer ee ay leedahay kooxda.

Afhayeenka Xuuthiyiinta ninka lagu magacaabo yaxya Al-Sariic ayaa sheegay iney u suuragashay iney dhulka soo dhigaan diyaarad Mareykanku uu leeyahay oo nuuceedu yahay MQ9, xilli ay dul heehaabeysay hawada sare ee gobolka Sacda oo dhaca dhanka waqooyiga ee dalka Yemen.

Ninkan ayaa intaas hadalkiisa kusii daray in howgalkan uu yahay midii Labaad oo muddo 24 saac ah gudeheeda lagu soo rido nuuca diyaaradahan, oo kamid ah kuwa uu sida aadka ah ugu xisaabtamo Mareykanka, kuna fadhiya malaayiinta dollar.

Dhinaca kale taliska dhexe ee Maraykanka ayaa sheegay iney u suuragashay iney burburiyaan ilaa 2 gantaal oo kamid ah kuwa ay sida aadka ah u adeegsadaan maleeshitaatka ay taageerto Iran, gaar ahaa xilliyada ay fulinyaan howgaladooda dhanka bada ee ay ku bartilmaameedsanayaan marakiibta Mareykanka iyo kuwa reer yurub.

Waxaa uu sidoo kale taliska sheegay, iney gantaalo la eegteeen gawaari xuuthiyiinta u siday kaalmo militari oo ku sugnaa qaar kamid ah deegaanada ay ka arimiyaan maleeshiyaatkan, mana jirto wali xog cayimeysa xadiga khasaare ee gawaaridaas soo gaaray inta uu la egyahay.

Centcom-ka waxa uu ugu dambeyn intaa ku dartay in ay sidoo kale burburisay diyaarad nooca aan duuliyaha lahayn ee Xuutiyiinta oo ku suganayd hawada sare ee biyaha Badda Cas.

FAAFREEB PRO