Bayaan kasoo baxay Maktabka Warfaafinta Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab oo looga hadlayay howlgaladii barakaysnaa ee 11 September ayaa lagu balan qaaday in Mu’asasada Al-Kataa’ib ay baahin doonto muuqaal Dokumentari oo looga hadlayo howlgaladaas.
Muuqaalkan oo la daawan karo wax ka badan muddo saacad ah, kuna soo bixi doona saddex luuqadood, ayaa tooshka ku ifin doona sooyaalka taariikheed ee Mareykanku u leeyahay dulmiga, liidnaanta xagga akhlaaqda ah ee hareeysay bulshadooda, halilsta uu maanta Mareykanku ku hayo nabada adduunka, iyo sababka ay Muslimiintu u neceb yihiin Mareykanka.
“Si aan sharraxaad dheeri ah uga bixino dagaalka uu Mareykanku kula jiro Islaamka, Mu’asasada Alkataa’ib, waxay dhowaan baahin doontaa muuqaal Dokumentari ah oo lagu soo bandhigayo sababaha keenay weeraradii 11-kii September. Muuqaalkan oo la daawan karo wax ka badan muddo saacad ah, kuna soo bixi doona saddex luuqadood, ayaa tooshka ku ifin doona sooyaalka taariikheed ee Mareykanku u leeyahay dulmiga, liidnaanta xagga akhlaaqda ah ee hareeysay bulshadooda, halilsta uu maanta Mareykanku ku hayo nabada adduunka, iyo sababka ay Muslimiintu u neceb yihiin Mareykanka”ayaa lagu yiri bayaanka kasoo baxay Maktabka Warfaafinta Xarakada Mujaahidiinta ee looga hadlayay 23 sano guuradii kasoo wareegtay howlgalkii Manhaatan.