23 Sanadood ayaa kasoo wareegtay markii ay dhaceen weeraradii 11/9 sanaddii 2001 ee lagu qaaday magaalooyinka New York iyo Washington dalka Mareykanka.
Weeraradaasi oo ay fuliyeen 19 dagaalyahan oo badankood kasoo jeeday dhulka Xarameynka ee Sacuudi Carabiya loo yaqaan ayaa dhulka geliyay dhaqaalaha dowladda Mareykanka.
Weeraradii lagu burburiyay daarihii Mantaanaha ahaa ee magaalada New York waxaa lagu dilay dad ka badan 3,000 oo qof sida ay sheegtay dowladda Mareykanka balse hay’adaha udooda xuquuqul insaanka waxay sheegaan in khasaaruhu intaasi ka badanyahay.
HOOS KA DHAGEYSO WARBIXIN SOO KOOBAYSA QAABKII AY UDHACEEN WEERARADAASI.