Ugu horeyntii dhanka Bakool ciidamada Mujaahidiintu saacadihii lasoo dhaafay gudaha degmada Waajid qarax kula beegsadeen Murtadiinta.
Sida lagu soo waramayo qaraxa waxa uu sigaar ah kaga dhacay goob ay ku sugnaayeen maleeshiyaatka Ridada, waxaana jirta khasaara soo gaartay Murtadiinta.
Dhanka kale libaaxyada Islaamka waxey habeenkii xalay dagaal culus ku qaadeen saldhiga maleeshiyaatka murtadiinta ee degmada Jannaale ee gobolka Shabeelada Hoose, walina lama sheegin khasaaraha rasmiga ah ee halkaas kasoo gaaray murtadiinta.
Ugu dambeyntii dhanka Baay, askarta Mujaahidiintu waxey habeenkii xalay qarax la beegsadeen guriga uu degmada Diinsoor ka deganyahay Murtad Sayid Axmed Xaaji oo ah gudoomiye ku xigeen dhanka Amniga iyo Siyaasada maamulka ridada ugu magacaaban degmadaas.
Qaraxaas waxaa ku dhaawacmay murtadkaas iyo Labo askari oo Istaafkiisa ah.
FAAFREEB PRO