Waxaa gudaha dalka Itoobiya maalmihii lasoo dhaafay xarga goosad ku noqday afduubka loo geysanayo dadka shacabka kadibna la helayo meydadkooda iyagoo loo dilay qaab fool xun.
Saacadihii lasoo dhaafay ayaa lagu soo waramayaa in ilaa 4 ruux laga qafaashay deegaanka Kore ee dhaca dhanka Koonfurta Itoobiya.
Afartaan ruux ayaa sida ay warbaahintu sheegtay waxay ahaayeen dad beeraley ah oo aanan wax lug ah ku lahayn loolanada siyaasadeed iyo midka dagaal ee ka socda gudaha wadankan.
Dadka la afduubtay ayaa saacado kadib la helay meydadkooda waliba iyadoo ay ka muuqato jirdil xoogan, halka xogaha qaarna ay sheegayaan in loo dilay qaab argagax leh.
Maamulka deegaanka Koore ayaa warbaahinta u sheegay in falkan ay ka dambeeyaan kooxa hubeysan oo deegaanka ka dhisan, kuwaas oo sida la sheegay horay u geystay dhacdooyin kuwan ka darana.
Tan iyo markii uu Abey Axmed ku fariistay kuriga ugu sareeya ee wadankaas, waxa uu dalkan galay xaalada maanta muuqata ee dhan waliba ka liidata, waxayna hada malaayiin ruux doorbidayaan nolosha dibada, maadaama wadanku uu noqday mid dhaqaale ahaan burburay colaaduhuna ay halakeeyeen kumanaan shaqsi.
FAAFREEB PRO