Falanqeyn-Xiisada Ridada iyo Itoobiya iyo Hanqal Taaga Masar ee Soomaaliya.

Sep 14, 2024

Tan iyo markii uu qarxay khilaafka ka dhaxeeya Kooxda Ridada Soomaaliya iyo dowlada xabashida Itoobiya, waxaa marba marka ka danbaysa cirka isku sii shareeraya xiisada iyadoo dhinac kasta uu qaadayo tallaabo ka caraysiinaysay kan kale.

Kooxda Ridada iyadoo ka duulaysa xiriirka sii xumaanaya ee  kala dhaxeeya nidaamka Abey Axmad, ayeey 14 Ogost sanadkan 2024, waxay heshiis difaac la gashay dowlada Masar, kaas oo dhigaya in ciidamo kasocda Qaahira la keeno Soomaaliya ayna ka qeyb qaataan howlgalka ashahaado ladirirnimo ee uu midowga Afrika ka wado Soomaaliya Reer-Galbeedkuna taageeraan.

Tani Masar waxay u arkaysay labo fursadood ayna hal dhagax ku dilayso labo shimbir, mar waxay kamid noqoneysaa howlgalka ashahaado ladirnimo ee Soomaaliya oo ay u aragto il dhaqaale, markalane waxay ka dhax aragtay fursad ay Soomaaliya kula loolami karto dowlada xabashida Itoobiya, oo uu kala dhaxeeyo siraac dheer oo sii xoogaystay tobankii sano ee lasoo dhaafay, wxii ka danbeeyay markii Itoobiya ay dhistay biya xireenka AL-Nahdah.

Xukumada Addis Ababa oo dareensan loolanka kusoo foleh, ayaa iyadana qaaday olole diblumaasiyadeed iyo mid ciidan oo ay kaga sii gaashaamaynayso arimaha kaga soo wajhan dhanka Soomaaliya, janaraalada ugu sareya ciidanka xabashida ayaa socdaallo deg deg ah ku tagay xuduud benaadka udhaxeya Soomali Galbeed iyo Soomaaliya, saldhigyo milatari oo uu ay ku dhanyihiin dhamaan kaamayaasha dagaal ayaana laga hirgalyay xuduuda.

Taliyaha ugu sareeya ciidanka xabashida Burhaana Jula aya todobaadyadii lasoo dhaafay jeedinayay hadaallo uu ku weerarayo Masar iyo Kooxda Ridada, isagoo Qaahira ku tilmaamay cadowgooda soo jireenka ah ayna itoobiya wax badan ugeesatay, sida in ay maalgalisay oo ay aasaastay jabahado ay kamid yihiin OLA,ONLF,TPLF iyo in Eratariya ay ka jartay dalkooda.

Marka laga soo tago xifaaltanka ka dhaxeya Addis iyo Qaahira, dhanka kale waxay umuuqata in khilaafkaasi uu hada si toos ah usaameeyay nidaamka ridada ah ee dalka kajira, kuwaas oo iminka uqeybsamay kuwa lakala safan cadowga Itoobiya ee hada dalka dullaanka ku jooga iyo kan usoo biratumanaya ee Masar.

Sida aan lasocono maamul goboleedyada ashahaado ladirika ah ee dalka kajira, dhamaan waxay awaamirta si toos ah kaga qaataan Itoobiya, wuxuu mid waliba xiriir gooni ah la leeyahay xabashida oo Addis Ababa aya looga soo meeriyaa qorshayaasha ay ku howlgalaan.

Maadaama Kooxda Ridada iyo nidaamka Abey ay kala joogaan labo dhinac, waxay Itoobiya Kooxda Ridada ukala jabisay labo garab, maamul goboleedyadii ayaana la kala saftay Gurguurte iyo Abey, madax badan ayaana iska xaadirisay Addis Ababa.

Xiisada ka dhaxaysa ridada ayaa qarxday kadib markii xildhibaano katirsan Kooxda Ridada lagana soo dorotay deegaanada maamulka Koonfur Galbeed, ay shir jaraa’id ku qabteen Muqdisho ayna sheegeen in ay kasoo horjeedaan imaanshiyaha Masar ayna taagersanyihiin in itoobiyaanku ay iyagu kusii sugaanaadaan deegaanadooda.

Arintaasi waxay aad uga caraysiiyay nidaamka Villay Soomaaliya, waxaana soo hadlay madaxwaynaha maamulka Koonfur Galbeed murtad Cabdi Casiis Lafta-Gareen, isagoona sheegay in uu taageersanyahay hadalka xildhibaanadaas oo micnihiisu ahaa in uu kasoo horjeedo imanshiyaha Masar .

Saacado kama soo wareegan hadalka lafta Gareen oo waxaa usoo jawaabtay kooxda ridada, Cabdi Qaadir Maxamad Nuur oo ah wasirka difaaca nidaamka Xasan Sheekh ayaana Lafta Gareen ku sifeeyay mid khaa’inul wadan ah, oo la saftay cadow taariikhi ah oo Soomaaliya leedahay

Wuxuu Yiri “Ma dhici karto in naloo hoosaasiyo cadaw taariikhi ah oo ay awoowyaasheen diideen in uu dhulkeena boobo dadkeenana gumeeyo.”.

Hadalkan ayaa wax lala yaabo ku noqday shacabka Soomaaliyeed oo is waydiinaya Itoobiyaankii ay Kooxda Ridada shalay dalka keenty, waxa manta cadow ka dhigay markii uu Laftagareen taageeray, mise Itoobiya ayaa shalay ahayd walaal oo manta cadow noqotay?

Tani ayaa ka tarjumaysa gabi dhaclaynta nidaamka ridada ah ee gaaladu ka dhiseen dalkan, iyo wajiga dhabta ah ee maamul goboleedyada ridada, oo ah maamulo ay Itoobiya dhisatay oo aan ka amarqaadan Kooxda fadhigeedu yahay Mogdisho ee sheegata in ay dalka uwada taliso!

Maamulka Puntland ee uu hogaamiyo murtad Siciid Cabdi Allahi Dani oo hadlay ayaa isagana sheegay in uu taageersanyahay madaxa maamulka Koonfur Galbeed, wuxuuna wasiirka warfaafinta mamulka Garrowe oo hadlay uu eddeyn ujeediyay Gurguurte, Puntland ayaa iyadu horay xiriirka ugu jartay kooxda ridada, waxayna mudooyinkii danabe heshiisyo la saxiixanayay Itoobiya.

Khilaafka ka dhaxeeya Kooxda Ridada iyo nidaamka Koonfur Galbeed ayaa waxa uu sii xoogaystay kadib markii mid kamid ah ilaalada Cabdi Casiis Lafta Gareen, uu iska soo duubay muuqaal muujinaya iyadoo garbihiisa ay saaranyihiin astaanta maamulkaas iyo calanka Itoobiya, uuna isi  saaray erayo lagu aamanyo Abey Axmad.

Taagerayaasha Kooxda Ridada oo aad  uga falcelinayay arintaasi ayaaba ku baaqay in la dilo shaqsiga iska soo duubay muuqaalkaas, balse kuwa kale oo ujaawabayay ayaa is waydiinaya muxuu soo kordhinayaa dilka shaqsigaasi hadiiba shaqsiyaadkii dalkaan kusoo hogaamiyay kumanaanka kun ee ciidamada Itoobiyaanka ah ay madax ka yihiin Kooxda Ridada, walina xabashidu ay gumaysi ku haysato qeybo kamid ah Koonfurta iyo Bartmaha Soomaaliya.

Si kastaba dhaqadhaqaaqyada Itoobiya ay wado ee kadhanka ah Koxda Ridada ayaa sii lixaadsanaya , waxayn isku dayeysaa in ay taageero xoogan ku yeelato deegaanada ay qorshaynayso in Kooxa Gurguurte ay geyso ciidamada Masaarida ah.

Askarta Itoobiya ayaa si dhamaystiran gacanta ugu dhigay garoomada diyaaradaha gobolka Gedo, tallaabadaas oo ay xabashidu ku wargalisay keenyaatiga, iyadoo sidookale kasoo hadal siisay shaqsiyaad warbaainta ka sheegayay in ay kasoo horjeedaan imaanshiyha Masar ee degaanadooda ayna la dagaalami doonaan.

Maalmaha soo socda ayaa isha lagu haaya sida ay xiisadu isku badasho iyo halka uu ku biyo shuban doonno gabidhaclaynta Kooxda Ridada oo maalinba hog cusub kusii dhacaysa, iyadoo heshiisyo ciidan oo tira beel ah kula jirto tobanaan dowlado ah, oo mid waliba mida kale uu kala dhexeeyo xurguf ama colaad soo jireen ah.

FAAFREEB PRO