Kooxda Ridada oo Qirtay in Mujaahidiintu Ay Go’doomiyeen Ciidamada xabashida Itoobiya.

Sep 14, 2024

Kooxda Riddada ayaa qirtay in mujaahidiinta Al Shabaab ay ciidamada xabashida Itoobiya ku go’doomiyeen afar kamid ah gobollada soomaaliya

Hoggaamiyaal katirsan kooxda Ridada Soomaaliya ayaa sheegay in kumanaanka katirsan ciidamada dowladad Xabashida Itoobiya ee duullaanka ku jooga dalka ay ku fashilmeen sugidda ammaanka deegaannada ay maamulaan.

Axmed Macallin Fiqi oo ku magacaaban wasiirka arrimaha dibadda kooxda Riddada ayaa qiray in Xarakada Shabaabul Mujaahidiin ay ku guuleysatay in ciidamada Xabashida Itoobiya ay kusoo ooddo saldhigyo cayiman oo kuyaal wilaayaatka dhaca Koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya.

Murtadkan ayaa carabaabay in magaalo walba oo itoobiyaanku ay qabsadeen aysan saraakiisha kooxda ridada awoodin in ay banaanka uga baxaan sababa laxiriira mujaahidiinta oo magaalo walb dul deggan islamarkaana Itoobiyaanka weeraro joogta ah ku haya.

isagoo umuuqday in uu ujawaabayo Cabdicaziiz Laftagareen iyo xildhibaanno murtadiinta katirsan oo dhawaan sheegay in ciidamada xabashida ay sugayaan ammaanka deegaannada uu ka arrimiyo maamulka Koonfur galbeed ayuu Fiqi ku nuux nuuxsanay in ciidanka Xabashida ay sugan la’yihiin ammaanka naftooda.
cod

Ku dhowaad 13 sano oo ciidamada xabashida Itoobiya ay duullaan gardarra ah ku joogaan soomaaliya ayay lakulmayaan weeraro aan kala joogsi laheyn oo uga imaanaya mujaahidiinta,xabashida ayaa lagu go’doomiyay dhammaan magaalooyinka ay ku duuleen mana awoodaan in ay zaakad isugu gudbiyaan dhulka sababara laxiriira weerarada kamaa’inta ah iyo qaraxyada uga imaanaya mujaahidiinta taas bedelkeedna waxaa zaadka lagu siiyaan dhanka hawada.

dhammaan ciidamada kufaarta soo duulayaasha ah ayaa dhowaan dalka isaga huleeli doono iyagoo aan xaqiijin wax kamid ah ahdaaftii loo igmaday oo ay ugu muhiimsanaayeen burburin mujaahidiinta iyo dhisidda maamulo awood leh oo dhaqan gelinaya waxa loogu yeero dimuquraadiyadda