Wafdi Sare oo Kasocda Masar oo Gaaray Eritrea Xili Xiisada Geeska ay Kasii Darayso.

Sep 15, 2024

Majalda Egytp Today ayaa daabacday maqaal ku saabsan wasiirka arrimaha dibadda Masar iyo madaxa sirdoonka wadankaas cabaas Kamel, oo saacadihii lasoo dhaafay booqasho ku tagay magaalada Asmara ee xarunta dalka Eritrea.

Sida ay baahisay majaladan, safarka masuuliyiintan ayaa daaranaa arimo la xiriira xiisada kasoo cusboonaatay gobolka geeska Afrika, iyo xurgufta aanan gacanta gaarin ee ka dhax aloolsan iyaga iyo Itoobiya, maxaysa tahay kaalinta ay Asmara arinkaas ka qaadan karto mase ciyaari kartaa dowr ay si aad ah u mahadiso Qaahira.

Wasiirka arrimaha dibadda iyo madaxa sirdoonka Masar ayaa madaxweynaha Eritrea waxay gacanta ka saareen dhambaal ay ka sideen dhigiisa Masar Cabi Al Fitaax Al Siisi, waxaya intaas kadib u guda galeen ka wada hadlida arimo xasaasi ah oo uu markii horaba daaranaa socdaalkooda.

Waxay si aad ah ugu nuux nuuxsadeen intii uu socday wada haalkan, qadiyadah Suudaan iyo sida loogu baahanyahay oo ay muhiim u tahay in Eritrea ay sameyso taxadar dheeraad ah, maadaama dhinacyada is haya uu mid waliba helayo kaalmo militari oo xad dhaaf ah weeraraduna ay fidi karaan xilli walba.

Wafdiga ka socday dhanka Masar ayaa sidoo kale xukuumada Afwerki waxa uu kala hadlay arimaha iskaashiga siyaasada gobolka, iyo in si wada jir ah uu midba midka kale kala shaqeeyo amingiisa gaar ah ee mandiqada gaar ahaa dhankeeda bari.

Waxaa ugu dambeyn warbixinta majalda lagu sheegay, in kulankaas ay masuuliyiinta Maasrida ku cadeeyeen in si aanan gabasho leheyn ay u garab taaganyihiin kooxda ridada Soomaaliya, taasoo dab kusii shideysa xiisada ka dhax aloolsan Addis Ababa iyo Qaahira oo tobanaankii sano ee lasoo dhaafayba isku hayey gobolkan geeska.

Baraha kala duwan ee Internet-ka gaar ahaa kuwa ay Soomaalidu sida aadka ah u adeegsato ayaa saacadihii lasoo dhaafay si aad ah loogu gorfeynayey socdaalka masuuliyiinta ka socda dhanka Masar, waxayna dad badani aaminsanyihiin in midan ay basin ku sii shubi doonto loolanka labada dhinac.