Imaarada Islaamiga Afghanistan ayaa ku dhawaaqday in tadbiiqinta Shareecada Islaamka ay si habsami leh uga socoto dhammaan wilaayaatka Islaamiga ah ee wadankaasi ka koobanyahay.
Amiirul M’uminiin Hibtullaah Akhun Zaadah ayaa kalimad cusub oo uu jeediyay wuxuu uga hadlay xaaladda guud ee wadanka Afghanistan iyo sida ay ushaqeyso xukuumadda islaamiga ah ee wadanka ka hana qaadday sedax sano ka hor.
Amiirka Imaarada Islaamiga ah ayaa si kulul uga jawaabay dhaleecaymo iyo caga jugleyn uga timid kufriga caalamiga ah kuwaas oo tadbiiqinta shareecada Islaamka ku sifeeyay wax ay ugu yeereen falal argagaxiso.
Haybaatullaah Akhundzaada ayaa adkeeyay in xukuumadda Islaamiga Afghanistan ay si buuxda u ilaalinayso ku dhaqanka shareecada Islaamka oo aysan marnaba ka tanaasuli doonin si ay ugu garab raariciso dalabaadka Mareykanka iyo dhammaan kufriga caalamiga ah.
Wuxuu hadalladiisii ugu dambeeyay ku daray in cadaadisyada caalamiga ah ay ujeedadoodu tahay in shareecada Islaamka looga dhaqmo oo keliya masaajidda iyadoo la oggolaanayo in bulshada la gaaleysiiyo “Xukuumadda Islaamiga Afghanistan marnaba uma jixaanjixayso cadaadisyada uga imaanaya shisheeyaha ee dalbadanaya joojinta tadbiiqinta shareecada Islaamka,in aan Sharciga Raxmaanka ku dhaqano waa wixii aan usoo halgannay marnaba suuragal ma ahan in aan noqono daalimiin Alle ku caasiyay” ayuu hadalkiisa sii raaciyay Amiirka Imaarada Islaamiga ah.
Wasaaradda ayuu ku bogaadiyay shaqada weyn ee ay uheyso muslimiinta isagoona dhammaan wullaada wilaayaatka iyo wasaaradaha xukuumadda faray in ay la dagaallamaan xumaha ayna dadka faraan wanaagga.
Waxa loogu yeero Q.Midoobay iyo dhammaan dowladaha Yurub ayaa diiday in ay wax aqoonsi ah siiyaan xukuumadda kajirta magaalada Kaabuul oo ay ku tilmaameen mid argagaxiso ah iyadoona mas’uuliyiinta Imaarada ay sheegeen in aysan aqoonsi uga baahneyn kufriga caalamiga ah taas bedelkeena uu dalka Afghanistan ku tallaabsaday horumar dhan walba ah tan iyo markii laga xoreeyay ciidamada shisheeye.