Waxaa maanta gabi ahaanba joogsaday shaqada garoonka diyaaradaha ee magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari, waxayna arrintan la xiriirtaa xiisadda magaaladaas ka taagan ee u dhaxaysa maleeshiyaadka maamulka murtad Deni iyo kuwa ashahaada la dirirka ah ee Maraykanka hoostaga ee PSF-ta loo yaqaan.
Ilo wareedyo ayaa soo sheegay in maanta aysan wax diyaarado ah kasoo degin madaarka magaalada Boosaaso, maamulka ashahaada la dirirka ah ee Puntland, ayaa kooxda Riddada ku eedeeyay in ay faragelin ku hayso deegaannada maamulkaasi uu ka arrimiyo ayna tahay tan ka dambeysa in uu hakad galo duulimaadka xarunta gobolka Bari.
Arrintan ayaa kusoo beegmaysa xilli 4 maalmood ka hor amar kasoo baxay maleeshiyada PSF lagu joojiyay duulimaadyada garoonka diyaaradaha ee magaalada Boosaaso, kaddib markii maleeshiyaadkaasi ay sheegeen in laga hor istaagay in maleeshiyaad dhaawacyo qaba oo iyaga ka tirsan ay u wareejiyaan dibadda.