Waxaa lagu soo waramayaa in dowladda Turkiga ay markale dib u dhigtay wajiga Labaad ee wadahadaladii ay sheegeysay iney ku dhax dhaxaadineyso kooxda ridada Soomaaliya iyo dowlada Itoobiya.
Waxaa markii hore la shaaciyey in wajiga Labaad ee wada xaajoodkan ay Ankara furi doonto 2 bishan aynu ku guda jirno ee September, balse waxaa goor dambe soo baxay warar sheegayey in dib loo dhigay ilaa 17-ka bisha.
Maanta oo ay 17-ka bisha ay ka dhimantahay hal maalin oo kaliya ayaa lagu soo waramayaa in markale wadahadaladaas ay dowladda Turkigu dib u dhigtay in muddo ah.
Waxaana xusid mudan in Ankara aysan cayimin wax muddo ah, iyo xilliga kama dambeyska ah ee lagu soo wada laabanayo miisaska wada hadalka.
Inkastoo aan si rasmi ah loo sheegin sababta ka dambeysay dib u dhacaasi, hadana waxay daba socotaa hadal saacado ka hor kasoo yeeray wasiirka arrimaha dibadda ridada ninka lagu magacaabo Axmed Macalin Fiqi, kaasoo sheegay iney taageeri doonaan kooxaha ka soo horjeeda dowladda Itoobiya ee mucaaradka ah, haddii Addis Ababa sii wado heshiiska muranka dhaliyay ee ay la gashay Somaliland.
FAAFREEB PRO