Niger, Mali iyo Burkiina Faso oo Sameystay Passaport Cusub oo ka Dhexeeya Dhamaantood.

Sep 16, 2024

Wadamada Niger, Mali iyo Burkiina Faso ayaa ugu dambeyn ku dhawaaqay in dhawaan si wada jir ah usoo saarayaan Passaport muwaadiniintooda u ogolaanaya iney isaga kala gooshaan sadaxda wadan waliba qaab nabadgalyo ah.

Madaxa militariga xooga kula wareegay dalka Mali oo ay garbihiisa taaganyihiin dhigiisa Burkiina Faaso iyo Niger, ayaa cadeeyey in arintan daaha laga soo rogi doono maalmaha soo aadan, waxayna midaas qeyb weyn ka qaadan doontaa isbaheysiga cusub ee ay wadamadan sameysteen horaantii sanadkan 2024 waana sida uu sheegay madaxa militariga Mali.

“Maalmaha soo socda baasaboor cusub oo biometric ah ayaa loo soo bandhigi doonaa, iyadoo u jeedadeenu tahay mideynta safaraka muwaadineenta ee sadaxda wadan’’ waxaa sidaas yiri madaxa militariga Mali.

Isbaheysiga Confederation of sahel states oo ay sadaxdaan wadan dhidibada u taageen 16 September 2023 oo hadal aga joogo muddo sanad ah, ayaa u muuqda mid ay u hirgashay talaabtii ugu weyneyd kadib markii ay shaaciyeen ka go’itaankoodii uruurka ECOWAS.

Wamadanadan ayaa hada dacmin xoogan ka helaya dhanka Ruushka, waxayna maalinba maalinka kasii dambeysa sii xida siibayeen reer galbeedkii halkaas ku sugnaa mudada fog, walow imaatinka Ruushka ee dhulkan saaxilka laftiisa lagu sifeeyey gumeysi ka qaad oo gumeysi u dhiib.

FAAFREEB PRO