Maleeshiyaadka Liyuu Booliska Xabashida oo Xasuuq ka Wada Soomaali-Galbeed.

Sep 16, 2024

Warark ka imaanaya dhulka soomaligalbeed ee ku jira gummeysiga Itoobiya ayaa sheegaya in ciidamada Liyuu booliska xabashida ay xasuuq ugeysteen dad shacab ah.

Ugu yaraan 7 ruux shacab ah ayay maleeshiyaadka murtadiinta Liyuuga ku dileen deegaannada Bilcil dheer iyo caado oo kawada tirsan degmada Wardheer ee gobolka Doolo.

Goob joogayaal ayaa sheegay in maleeshiyaadka oo watay gaadiid dagaal ay weerar toos ah ku hayaan qof walba oo kasoo jeeda mid kamida beelaha soomaaliyeed oo iska diiday awaamir kasoo baxday maamulka Murtad Mustafa Cagjar.

Wararka ayaa intaas ku daraya in lataliyaha Madaxweynaha maamulka Ridada Jigjiga ninka lagu magacaabo Bedel Xiis uu ciidamada Liyuu Booliska ku amray in ay duugaan ceelasha deegaanka ayna cagta mariyaan dhul daaqsimeedka deegaanka Caado.

Dowladda Xabashida Itoobiya ayaa sanadadan dambe billaawday in ay si bareer ah ubaado xoolaha ay dhaqdaan shacabka soomaaligalbeed, sababta loo xasuuqayo shacabka deggan deegaannada bilcil dheer iyo Caado ayaa ah maxaad udiideen in xoolihiina ay baad ka qaataan ciidamada xabashida.

Dadka deegaanka oo is hubeeyay ayaa meelaha qaar iska caabin kala hortagay maleeshiyaadka Liyuu Booliska ee xabashida Itoobiya taabacsan