Xogaha laga helayo magaalada Wardheer ee ku hoos jirta gacanta gumeystaha Itoobiya ayaa sheegaya in habeenkii xalay lagu dhex dilay masaajid ku yaal magaaladaas ilaa lix dhalinyaro ah.
Dhalanyaradaan halkaas lagu laayey ayaa la sheegay in ay ahaayeen xer wax ka baran jirta masjidkaas, iyadoo dilkaasna ay gaysteen rag hubaysan oo aan ilaa hada si rasmi ah loo aqoonsan haybtooda.
Xoguhu waxay intaasi ku darayaan in 5 kamid ah ah shaqsiyaadka la dilay ay kasoo jeedeen hal qoys, halka midka soo harayna uu ahaa qoys gaar ah.
Sida ay warbaahinta la wadaageen dad ka tirsan kuwa deegaanka, dhalinyaradaan Lixda ah ayaa loo laayey sababo la xiriira aano qabiil oo mudooyinkan dambe halkaas ka taagneyd.
Waa kuwan magacyada 5 kamid ah dhalinyartii xalay lagu laayey gudaha magaalada Wardheer :-
1- Bishaar Bacaluul, 2- Cumar Aw Axmed, 3- Mahad Maxamuud Cabdullaahi Waanis, 4- Mahdi Sheekh Aadan wali, 5- Maxamed dheere.
FAAFREEB PRO