Qoysas dan-yar ah oo ku dhaqan degmada Hodan ee magaalada caasimadda ah ee Muqdisho, ayaa cabasho xooggan ka muujiyay ammar kasoo baxay madaxa kooxda Riddada Soomaaliya murtad Xasan Gurguurte, kaasi oo lagu amray inay ka guuraan dhul caam ah oo ay deganyihiin.
Waxay sheegeen in dhulka ay deganyihiin uu yahay dhulkii Jaamacadda, maamulka Riddada ugu magacaaban degmada Hodan gaar ahaan guddoomiyaha degmadaasi, ayay sheegeen in uu ku wargeliyay inay guryahooda si deg deg ah kaga guuraan, si cad oo aan gambasho lahaynna uu ugu sheegay in dhukaasi uu ganacsato Iimaan-laaweyaal ah uu ka iibsaday madaxa ugu sarreeya murtadiinta.
Qoysaska danyarta ah ee ku dhaqan xaafadda jaamacdaha ee demada Hodan ayaa sheegay in dowladda Riddada ay horay uga soo barakicisay dhul ay degganaayeen, guddoomiyaha maamulka Ridada ee degmada Hodan ayay sheegeen in uu u awood sheeganayo dadka rayidka ah balse aysan ka guuri doonin.
Arintan ayaa kusoo beegmaysa xilli shacabka ku dhaqan magaalada caasimadda ah ee Muqdisho ay la kulmayaan dhibaatooyin badan oo ay ka mid tahay boob dhuleed iyo midka maaliyadeed ee ay wadaan madaxda ugu sarreysa ee Riddada iyo sidoo kale maleeshiyaadka murtadiinta ah.