Jabhadda Fano Oo La Wareegtay Magaalo Cusub Oo Istaraatiiji Ah.

Sep 19, 2024

Jabhadda mucaaradka hubeysan ee Axmaarada, ayaa lasoo wariyay inay gacanta ku dhigtay magaalo cusub oo istaraatiiji ah, xilli dagaallo culus oo u dhaxeeya Fano iyo millatariga ay ka socdaan waqooyiga waddankaasi.

Waraahinta taabacsan jabhadda fallaagada ah ee Fano ayaa sheegtay in maleeshiyo ka tirsan jabhaddaasi ay si buuxda ula wareegeen gacan ku haynta Debat Gondar oo ah magaalo istiraatiijiga ah.

Sawirro lagu faafiyay baraha bulshada ayaa muujinayay canaasir ka tirsan jabhadda Fano oo ku sugan gudaha magaalada Debet Gondar oo ka tirsan ismaamulka Amhra ee loollanka millatari ee xooggan uu ka socdo.

Maalmo ka hora yay ahayd markii Fano ay sheegtay in maleeshiyadeedu gacanta ku dhigeen magaalada Debark oo ka tirsan isla ismaamulkaasi Amhara, ahna magaalo muhiim ah oo ciidanka millatariga ay gacanta ku hayeen.