Warbixin ay daabacday Shabakadda waraabiheed Al-Jazeera ayaa looga hadlay, asbaabaha keenay in dowladda Ridada iyo kuwa taageerada la garab taagan ay ku fashilmaann ka takhalliusidda Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab, oo ku dhawaad 20 sano halgan jihaadi ah ka jirta Bariga qaarada Afrika.
Warbixinta oo ah mid dheer islamarkaana taabaneysa dhinacyo kala duwan, ayaa daaha ka rogeysa asbaabo dhowr ah oo isbiirsaday kuwaas oo si ay tibaaxeyso horseeday, in xukuumada Villa Soomaaliya ay ku fashilanto loodinta cududa xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab.
“Marka loo eego xaaladaha cakiran ee Soomaaliya ka jira, Al-Shabaab waxay u muuqdaan iney yihiin mid kamid ah halisyada ugu waaweyn ee ku horgudban dowladda soomaaliya, ururukan oo la aasaasay bilowga tobankii sano ee ugu horreysay qarnigan, ayaa ku guuleysatay inuu dhabar adeyg ku waajahdo iskudayadii joogtada ahaa ee ay sameynayeen dowladihii soo maray Soomaaliya iyo xulafadooda, kuwaas oo lagu doonayay lagu tirtiro islamarkaana looga takhalluso Al-Shabaab” ayay leedahay warbixinta ay daabacday Shabakadda Al-Jazeera.
Mid kamid ah asbaabaha keenay in Dowladda Ridada iyo xulafadeeda ay ka adkaan waayaan Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab, ayay warbixintu ku tilmaameysaa habacsanaanta heysata kooxda uu hogaamiyo Xasan Sheekh, taas oo ay xustay in wixii ka dambeeyay burburkii dowladdii Shuuciga aheyd ee uu hogaanka u hayay Maxamed Siyaad Barre, ay xukuumadihii soo maray Soomaaliya ku guul darreeysteen iney baabi’iyaan raadadkii ka dhashay burburkaas, oo ay ugu horreyso dagaal beeleedyada wali ka holcaya qeybo kamid ah Soomaaliya.
Intii udhexeysay sandihii 2008 illaa 2024ka ayay warbixintu tibaaxeysaa, in dowladaha qaar ee dunida ay kobac sameeyeen halka kuwa kalena ay hoobteen, laakin marka la eego kooxda ridada waxay noqoneysaa midda ugu martabadda hooseysa dowladahaas oo idil, mana jiraan horumarro la taaban karo oo ay ku tallaabsatay mudadaas, sidaas darteed ayayna ku noqotay dowlad liidata oo ku fashilantay iney gudato howlihii aasaasiga ahaa oo ay ugu horreyso sugidda amniga, iyo maareynta ilaha dhaqaale ee dalka.
Mid kamid ah muuqaalada muujinaya taagdarida heysta waaxda amiga iyo tan millatariga ee Dowladda Ridada, ayay warbixinta ay daabacday Shabakaddan ubadineysaa iney tahay ku tiirsanaantooda wadama shisheeye gaar ahaan kuwa Afrikaanta ah, oo tan iyo sannadkii 2007 howlgallo kala duwan kaga dhawaaqay Soomaaliya, min laga soo bilaabo AMISOM, ATMIS ilaa midka la qorsheynayo sanadka 2025 ee isagana la huwiyey magaca AUSSOM, si ay dowladdaani ugaarsiiyaan isku filnaansho xagga amniga ah, taas oo ay illaa iyo maanta wax guul ah aysan ka gaarin una muuqda mid fashil kale kusii socda.
Sanadihii lasoo dhaafay Dowladda Ridada oo kaashaneysa wadama taageera oo ay ugu horreyso Turkiga, ayaa sameeyay dadaallo ay ku doonayaan iney ku xaqiijiyaan amniga goobaha ay ka taliso xukuumadan, balse warbixintaan ayaa xustay in dhammaan dadaaladaas aysan waxba soo kordhin lana imaan natiijadii laga filayay iyo wax udhaw toona.
Falalka guracan, musuqmaasuqa iyo wax isdaba marinta ayay sidoo kale warbixintaan tibaaxday iney kamid yihiin, asbaabaha keenay liidnaanta dowladda ridada iyo in ay ka adkaan weyso Shabaabul Mujaahidiin.
Wasaaradaha kala duwan ee xukuumadda fadhigeedu yahay Muqdisho ayey xarga goosed ku noqdeen wax is daba marinta, taas oo ay marar badan ka dhawaajisay hay’adda Transparency International ee ka faalloota arrimaha musuqmaasuqa, tobankii sano ee lasoo dhaafay ayayna kaalmaha ugu horreeyo kaga jirtaa dowladaha ugu musuqmaasuqa dunida oo idil.
Iyadoo soo xiganeysa taqriir ay baahisay xarunta waxa loogu yeero la dagaalanka”Argaxixisada” ee taabacsan Jaamacadda West Point ee Mareykanka ayay warbixintu tilmaameysaa, in uu aad usarreeyo heerka musuqmaasuqa ka dhex jira taliska millatariga ee Dowladda Ridada, taasna ay kamid tahay arrimaha horseeday in uu hoos udhaco macnawiyaadka maleeshiyaadka Ridada, xilli marar badan ay isla hey’addaan baahisay warbixinno tibaaxaya, in hubka iyo saadka loogu talagalay ciidamada lagu kala iibsado suuqayada magaalada caasimada ah ee Muqdisho.
Inkastoo ay warbixintu sheegeyso in Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab, ay tan iyo sannadkii 2006 illaa 2023 ay la kulantay culeesyo kala duwan, haddana waxa ay tilmaameysaa in Al-Shabaab ay tahay koox awood u leh iney ka hortagto culeysyadaas, islamarkaana ay soo rogaal celiso oo ay sii wado halista amni ee aan ku koobneen kooxda Ridada balse ah mid gaarsiisan dowladaha dariska la ah qaarkood.
Baaritaanno jawaab loogu raadinayo su’aasha ah sidee ayay Al-Shabaab ugu suuragashay iney sidaasi sameyso, ayuu bare reer-galbeed ah dhanka kalana ka faallooda arrimaha jamaacaadka jhihaadiga ah laguna magacaabo Stig Jarl Hansen sheegayaa, iney jiraan dhowr arrimood oo sabab unoqday sugnaanta iyo dhabar-adeyga Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab.
Mid kamid ah arrimahaas ayuu ku sheegay inay tahay hanashada qabaa’ilka Soomaalida, iyadoo macaamil wanaagsanna la yeelatay hogaanka qabaa’ilka, taas oo usoo jiiday sumcad wanaagsan iyo in ay amni kusoo dabaasho degaannada ay kataliso, xuquuqda dadkana la ilaaliyo iyadoo la adeegsanayo Maxaakiimta Islaamiga ah, Shareecada Islaamkana lala tiigsado cid waliba oo xadgudub sameysa.
Inagoo markan kusii siqeyna sadaradii ugu dambeeyey ee warbixintan ay daabacaday shabakada Al-Jaziira, waxa ay tibaaxeysaa in Isfidinta Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab iyo sida ay ugu xooggan tahay qaar kamid ah goballada dhaca Koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya, ay kamid tahay asbaabaha hor istaagay in marna lawiiqo awoodooda.
Labadii sano ee lasoo dhaafay waxaa si isdaba jog ah warbaahinta caalmka ugu faafaya warbixino iyo diraasaad lamid ah midan, waxayna dhamaantood marka la isku soo xooriyo ka marqaati kacayaan lixaadsiga awooda xarakada Shabaabul Mujaahidiin, iyo sida ay hoga uga sii laalaado xukuumada shisheeyuhu tabantaabiyo ee sheegata iney ka taliso guud ahaa Soomaaliya.
DHAGEYSO IYADOO COD AH 👇