Ilaa Labo qof ayaa ku dhintay 8 kalena waa ay ku dhaawacmeen ka dib markii ciidamada Nidaamka Suuriya ay duqeeyeen magaalo ku taal baadiyaha Idlib, waqooyi-galbeed ee Suuriya.
Waxay xoguhu intaasi ku darayaan in ciidamada nidaamku ay weerarro madaafiic ah ku qaadeen magaalada Taftanaz ee bariga Idlib, iyagoo la beegsaday guryo ay dad rayid ah deggan yihiin, taasoo keentay khasaare soo gaaray dad rayid ah.
Waxa ay sidoo kale gantaal nuuca la haggo ah lala beegsaday baabuur ku sugnaa magaalada Dara Gaza ee galbeedka Gaza.
Waxaa la sheegay in dadka ku dhaawacmay Taftanaz ay ku jireen 6 carruur ah oo mid ka mid ah ay xaaladdiisu liidato, iyo 3 haween ah oo ay ku jiraan haweeney iyo 5 ka mid ah carruurteeda kuwaasi oo dhaawacyo kala duwan ay soo gaareen.
Waxa ay intaa ku dartay in dadkii ku dhaawacmay qaraxa loo gudbiyay isbitaal ku yaala deegaankaasi.
MASDAR-ANADOL AGENCY