Saxiifada Yadiiciid Axranood ayaa nashrisay warbixin ku saabsan wadamada reer yurub oo badankood ka dardaar warinaya xaalada ka taagan bariga dhexe iyo saameynta qaraar ee ay keeni doonto talaabooyinkii is xig xigay ee uu maamulka gumeystaha ku qaadayey gudaha dalka Lubnaan.
Sida warbixinta majaladan ay tibaaxeyso, waxaa shalay dilkii Ibraahiim Caqil kadib qadka taleefanka kuwada hadlay madaxweynaha dalka Faransiiska Emanual Maccron iyo Binyamin Natayaahu, waxayna waqti xaadirkaas lafa gurayeen dagaalada ka socda gudaha Filistiin iyo maraaxisha ay wajahayaan ciidamada yuhuuda.
Maccron ayaa intii ay wada hadlayeen Natayaahu waxa uu uga digay talaabooyinka is xig xiga ee uu qaadayo maalmahan dambe, isagoona u sheegay in midaas ay sababi doonto howgallo xoogan oo laga fuliyo gudaha magaalada Talaabiib, halkaas oo ay ku weyn doonaan wax waliba oo ay hada muhiim u arkaan ha noqdaan sakiil iyo qalaba.
Hogaamiyaha xukuumada Paris oo sii wata hadalkiisa misana u muuqda mid si aad ah ugu cabsanaya mustaqbalka dhow ee maamulka gumeystaha yuhuuda ayaa Binyamin Natanyaahu ku yiri “ Waxaad gobolka ku riixaysaa dagaal hor leh oo lagu hoobto”.
Dhanka kale majalda Yadiicood Axranood oo soo xiganeysa sarkaal sare oo ka tirsan dowladda Faransiiska misana la qariyey magaciisa ayaa sheegtay, in talaabooyinkii ugu dambeeyey ee uu gumeystuu ka fuliyey gudaha Lubnaan ay sababo doonaan waqti dhow dagaalo qaraar oo aanan la mahdin.
Ma ahan kaliya wadanka Faransiiska midka ka cabsanaya in dharbaaxooyin xoogan ay soo gaaraan maamulkan gacan ku rimiska ah ee isugu yeera Israel, balse wadamo badan oo reer yurub ayaa muujinaya walaac lamid ah midkan, waxaana mudooyinkii dambe markii aad si qota dheer u dhuuxdo warbixinada kasoo baxaya xiisadan aad dha dhansaneysaa saameynta xun ee uu maamulka gumeystaha ku keeni doonto albaabka colaadeed ee uu isaga furay dhanka Lubnaan xilli uu wali lugaha kala bixi la’yahay jaxiimada dagaalka Qaza.
FAAFREEB PRO