Yuhuuda oo Bambooyin aan Horay loo Araga ku Garaacday Gudaha Lubnaan iyo Xisbullah oo Duqeymo Fulisay.

Sep 22, 2024

Waxaan ugu horeyn xubinteena ku daahfureynaa, qaar badan oo kamid ah wargeysyada ugu waaweyn dunida ayaa maanta waxay si isku mid ah u daabacayeen duqeymo xoogan oo ay xalay fuliyeen ururuka isugu yeera Xisbullah, kuwaasoo ay ku beegsadeen mid kamid ah saldhigyada ciidan ee ugu muhiimsan maamulka Yuhuuda, iyo gumeystaha laftiisa oo xalay koonfurta Lubnaan ka fuliyey weerar xoogan.

Hadii aan soo qaadano warbixin ay daabacday majalada The Jerusalem Post, waxay ku warameysaa in markii hore uu maamulka isgu yeera israel uu gudaha Lubnaan gaar ahaan dhanka Koonfurta uu ka fuliyey howgal uu u adeegsaday mid kamid ah bambooyinkiisa dagaalka ee ugu waaweyn.

Sida warbixintu ay tibaaxeyso midan ayaa daba socota weeraro isdaba joog ah oo uu maamulka yuhuuda tan iyo shalay uu ka fulinayey koonfurta iyo bartamaha Lubnaan, isagoona waabarigii shaly ilaa xalay fiidkii ku waday duqeymo aan kala joogsi lahayn iyo inuu goobaha qaar ku garaacayey bambooyinka halista ah ee wax halakeeya.

Ururuka isugu yeera Xisbullah oo ay kusii lixaadsanayeen marba marka kasii dambeysa duqeymaha uga imaanaya xaga yuhuuda ayaa isagana qaaday talaabo uu ku beegsanayo deegaanada ay ku suganyihiin gumeystaha, waxa uuna fuliyey weerar uu ku beegsaday mid kamid ah saldhigyada ciidan ee ugu muhiimsan askarta Binyamin Natanyaahu.

Abaare 2:30 Xisbullah ayaa gantaaladeeda ridada dheer ku garaacday saldhigga ciidanka cirka yuhuuda ee Ramat David oo ah, midka ugu muhiimsan ee ciidanka cirka gumeystaha ay ku leeyihiin gobolka waqooyiga.

Waxaa xusid mudan in markii uu ururkan weerarayey saldhigaas ay yiileen diyaaradaha qiimaha sare ugu fadhiya yuhuuda ee nuucoodu yahay F-16 iyo F-35, waxaana la aaminsayahay iney yihiin kuwii xalay fiidkii bambooyinkii culsaa ee la mooday kuwa Nukliyeerka ku garaacay koonfurta iyo bariga Lubnaan.

Sawirro iyo muuqaalo lasoo bandhigay kadib weerarkan ay fulisay Xisbullah waxaa ka muuqanayey olol daran oo ka baxaya gudaha saldhigan cirka ee yuhuuda, walow muuqaalada qaar laga duubay meel masoofo ahaan si aad ah kaga fog saldhiga oo aanan wax lagu dhisan karin.

Saldhigan ayaa ilaa 50 KM u jira xadka Lubnaan, waxaana lagu soo waramayaa in in ka badan 30 gantaal oo ah nuuca ugu muhiimsan ururkan shiiciga ah ee loo yaqaano Fadi 1 iyo Fadi 2 uu ku garaacay halkaas, isagoo sheegay in midaan ay jawaab bilow u tahay wixii maalmahaan oo idil ay kala kulmayeen maamulka yuhuuda.

Laakin mida ilaa hada caalamka ka daadagi la’a oo uu aamini la’yahay waa in aan wali lasoo tabin waxyeelo weyn oo soo gaartay gumeystaha, maadaama la filanayey khasaara xoogan iyadoo wax lagu dhisanayo awooda gantaalada ay kusoo weerar tagtay Xisbullah.

Midan ayuuna caalamku durbadiiba u fasirtay masraxiyad kale oo ay Xisbullah dhigeyso kadib midkii ay Iran sameysay, waxayna su’aasha ugu badan ee hada la isweydiinayo ay tahay, sidee ayey macquul ku tahay inuusan jirin khasaaro lixaad leh oo soo gaara Yuhuuda, waliba iyadoo la fuliyey ilaa 30 duqeymood oo xoogan?.|

Gumeystaha oo dhankiisa ka hadlay weerarkan ayaa sheegay inuusan jirin khasaara sidaas u weyn oo kasoo gaaray weerarkaas, waxa uuna tibaaxay iney jiraan dhowr askar oo uu firir galay jirkooda, iyaguna lagula tacaalayo goobaha caafimaad.

Waxayna warbaahinta inteeda badan hada indhaha kuwada heysaa waxa kasoo kordha weerarka ay Xisbullah ku qaaday saldhigaas, mala dhihi karaa jawaab adag ayey ahayd oo ay bixisay Xisbullah iyaduna waa su’aal kale oo Meesha ku jirta caalamkuna uu daneynayo inuu ogaado, balse waa laga dhurr sugi doonaa wixii soo kordha.