Taqadumka ay mujaahidiinta jamaacadaha Nusratul Islaam Walmuslimiin ay ka sameynayaan dalal dhowr ah oo dhaca saaxilka qaaradda Afrika iyo colaadaha ka holcaya dhowr dal oo dhaca geeska qaaradda afrika ayaa walaac ku beeray kufriga caalamiga ah.
Waxaa shir degdeg ah xaaladaha soo kordhay ka yeeshay waxa loogu yeero Q.Midoobay,Midowga Yurub iyo Ururka midowga Afrika
, shirkan ayaa diiradda lagu saaray xaaladaha ka taagan Afrika gaar ahan awoodaysiga jamaacaadka jihaadiga ah iyo loollanada udhaxeeya dowladaha xubnaha ka ah isbahaysiga midowga afrika.
Shaaral Miishal oo ah madaxa ururka midowga Yurub oo shirka khudbad ka jeediyay ayaa muujiyay sida ay reergalbeedku uga walaacsanyihiin isballaarinta mujaahidiinta Alqaacidda ee saaxilka afrika iyo wax uu ugu yeeray firaaqa amniga ah ee mandiqadda oo idil camimay.
Sidoo kale sedaxda urur gaaleed ee kulanka qaatay ayaa muujiyay sida ay uga niyad xunyihiin xasaradaha siyaasadeed ee kajira geeska afrika gaar ahaan Itoobiya iyo Masar oo khilaafkooda ku aaddan biyaha webiga Niil uu uxuub siiban doono dagaal wakaaladeed ka dhaca Soomaaliya.
Muuse Faki oo ah guddoomiyaha ururka midowga Afrika ee waqtigiisu sii idlaanayo ayaa ku dhaliilay reergalbeedka in ay ka gaabiyeen taageerada maaliyadeed ee ay siiyaan ciidamada calooshood ushaqeystayaasha ah ee ka dagaallamaya wadamo ay kamid tahay Soomaaliya.
Heshiiskii xaaraanta ahaa ee horraantii sanadkan uu maamulka ashahaadda ladirirka Somaliland lagalay Abiy Axmed islamarkaana qeyb kamid ah badda Soomaaliya lagusiiyay itoobiya ayaa mandiqadda geeska ka dhaliyay xasarado siyaasadeed iyo taxaalufaad ay sameynayaan xukuumadaha dabadhilifyada ah.
Mareykanka iyo midowga Yurub ayaa bayaanno ay soo saareen dhowr jeer ku sheegay in heshiiska badda ee Itoobiya ay lagashay Somaliland uu sababayo in shacabka soomaaliyeed ay buuxiyaan sufuufta xarakada Shabaabul Mujaahidiin