Maxaa ka Jira in Iran ay Hubka Dhigeyso, Muxuusa Yahay Hadalka Kasoo Yeeray Pezeshkian-Falanqeyn.

Sep 24, 2024

Falanqeyntan waxaan diirada ku saari doonaa hadal aanan horay loo saadaalineyn oo kasoo yeeray dowladda Iran, iyo madaxweynaha wadankaas oo saxaafada la wadaagay war caalamka ku qasbay inuu sameeyo falanqeyno iyo faaqidaad dheeri ah.

Hadi aan ku hormarno dhanka majalada Newsweek iyo maqaal ay nasrisay saacado ka hor, Mascuud Pezeshkian oo ah madaxweynaha Iran ee la doortay 28 July 2024, ayaa saacadihii lasoo dhaafay sheegay iney diyaar u yihiin iney dhigaan hubka isla markaana ay dajiyaan xiisada qaraar ee kala dhexeysa maamulka gumeytsaha yuhuuda, isagoona midaas u sababeeyey arimo dhowr ah oo badankood caalamka aan ka daadagin amakaagna ku noqotay.

Waa mida koowaadee Pezeshkian waxa uu sheegay in tani ay u sameynayaan si xasilooni loogu helo gobolka, loogana fogaado inuu qarxo dagaal intaan ka balaaran oo ay dad badani ku hoobtaan, waxa uuna hadalkiisa sii raaciyey, in awood ahaan ay hada isku filanyihiin ayna Yuhuuda ku qaadi karaan weerar waliba oo ay doonaan.

Arinka Labaad ee uu madaxweynaha xukuumada Tehran u sababeeyey hadalkiisan ayaa ah, in ay ka baqayaan carqaladeynta xal ka gaarida dagaalka ka socoda dhulka loo bixiyey bariga dhexe, waa hadii ay sii wadaan afkaartooda ku aadan iney duulaan ku qaadaan gudaha dhulka gumeytuhu uu xooga ku heysto, sidaa darteedna ay sameynayaan tanaazul.

“Waxaan diyaar u nahay inaan iska dhigno hubkayaga oo dhan, waa hadii Israel ay iyaduna midaas dooneyso, ma rabno inaan xasillooni darro ka abuurno gobolka.” ayuu ku yiri Pezeshkian xilli uu warbaahinta kula hadlayey gudaha magaalada New york oo uu u tagay ka qeyb galka shirka golaha guud ee Qaramada Midoobay kal-fadhigiisa 79-aad.

Markii ay intaas kasoo yeertay madaxweynaha Iran, waxaa durbadiiba warbaahinta qeybheeda kala duwan iyo saaxada siyaasada caalmka ka bilowday falanqeyno lagu qaadaa dhigayo hadalka ninkan, maadaama tani ay ahayd mid kadis ah iyo soo bandhigida mowqif aanan laga sugeyn Iran waqti xaadirkan.

Anagoo ku hormareyna majaladaha qodobkan wax ka daabacday iyo faaqidaada ay sameeyeen waxaan ugu horeyn soo qabanayaa The Times Of Israel, oo ka nashirsay qodobkan maqaal dheer waliba qaabka jees jees u muuqday, waxayna sheegtay in Iran iyadoo ka duuleysa maleeshiyaadkooda lagu dhiigbixiyey gudaha Lubnaan mudooyinkii dambe, ay qaaday talaabo ay u aragto xal nabadeed, kuna qasbay iney shaaciso iney hoos u dhigeyso hubkeeda.

Waxay saxiifadu soo xiganeysaa nuqul kamid a hadalka madaxweynaha Iran oo ah “dagaalka ka socda bariga dhexe waxa uu inagu jiiday meel aaney rabin ka Iran ahaan, waxaadna ogaataan ma jiro xilliyada qaar guuleyste dagaal, hadii aan midaas isku sheegnana nafteena ayaa qiyaanay”.

The express tribune oo iyada kamid ah saxiifada ugu waaweyn caalamka misana kasoo baxda gudaha dalka Pakistan, waxay soo baahisay warbixin xasaasi ah oo ku qotonta isla qodobkan, waxayna sheegtay in Pezeshkian uu yahay qof marwalba siyaasada reer galbeedka iyo arimaha masiiriga ah ku qaabila qaab qunyar socd u muuqda oo aanan lala dhicin marnaba, hada waxa uu ku dhawaajiyeyna ay tahay mid daba socota midaas.

“Ma doonayno inaan sabab u noqonno xasillooni darada Bariga Dhexe,” isaguna waa nuqul kamid ah hadalka madaxweynaha Iran oo ay soo xiganeyso saxiifadan.

Sidoo kale warbixinta majaldan ayaa sheegtay in hogaamiyaha xukuumada Tehran uu sidoo kale sheegay in marnaba aysan ka tanaazulin ayna fulin doonaan mar un weeraradooda aar gudashada ah, oo uu ugu horeyo midka looga jawaabayo dilka madaxii hore ee siyaasada Xamaas Ismaaciil Haniyah.

Hadalkaas ayeyna saxiifada ku fasirtay in Iran kaliya ay hada midaan sheegeysa iney hubka dhigayaan ay u sameyneyso iney soo kabato iyada iyo ururadeeda, kadibna ay soo rogaal celiyaan iyagoo intan ka xoog badan kana tayo sare, waa sida ay hadalka u dhigtee.

Aragtiyada kala duwan ee qodobkan laga bixiyey.

Hadii aan intaa uga gudubno warbixinada ay majaladaha ka daabeceen qodobkan, waxaan markan u weecaneynaa dhanka aragtiyada iyo falanqeynada kala duwan ee Internet-ka kusoo yaacaya saacadihii lasoo dhaafay tan iyo markii uu hadalkaas yiri Pezeshkian.

Mid kamid ah aragtiyada ugu muhiimsan ee ay soo bandhigayaan dadka cabqariga ku ah siyaasada bariga dhexe ayaa ah, in Iran ay midan ka damacsantahay iney dib u habeyn balaaran ay ku sameyso ururudada ay dacmiso oo uu ugu horeeyo kan isugu yeera Xisbullah.

Dabcan Xisbullah maalmahan waxay ku jiraan sida ay warbaahintu sheegeyso waqtigoodii ugu xumaa sanadahan, waxaana muddo kooban looga dilay saraakiil muhiim u ahaa, waxaana ka burburay qalab militari, waxayna ka hayaameen talisyo muhiim u ahaa oo ay daganaayeen in muddo ah.

Sidaa darteen xukuumada Tehran waa in ay heshaa Space ay dib u habeyn iyo kabasho xoogan ay ugu sameyn karto ururukan iyada hoos yimaada, hadaba si taas ay u dhacdo waa in Iran ay tiraahdaa hubka hoos ayaan u dhigi doonaa inagoo ka fikireyna maslaxada bariga dhexe, balse uu ku hoos duuganyahay danahan gaarka ah, waa sida ay tibaaxayaan falanqeynada qaar ee laga sameynayo hadalka madaxweynaha Iran-nee.

Hadii aan dhanka kale soo qabto qoraal uu bartiisa X kusoo qoray Faysal Al-Qaasim oo ah saxafi iyo qoraa u dhashay dalka Suuriya haystana dhalashada dalka Ingiriiska, hadana ka howgala shabakada warbaahineed ee Al-Jaziira gaar ahaan barnaamjita doodaha siyaasada, waxa uu ku yiri” Iran waxay ka tagtay oo ay garabkooda maanta ka baxday Xamaas, Iran sidoo kale waxay ka tagtay Xisbullah oo ay meel cidlo ah uga dhaqaaqday, kaliya hada waxa soo haray waa Xuuthiyiinta Yeman iyo maleeshiyaatka Ciraaq, iyaguna markooda ayaa laga tagi doonaa”.

Dabcan waxa uu muujinayaa aragtidiisa ku aadan arinkan iyo in Iran ay u muuqato sida uu xilka u yimid ninkan mid u dhaga nugul Mareykanka, kana dhiganeysa xaliif dhow oo uusan horay usoo dhax marin loolan nuuc waliba leh.

Waxa uu sidoo kale ninkan saxafiga ah hadalkiisa sii raaciyey ” Ma Iran ayaa iibsatay dhammaan kaararkeeda Carbeed oo ma waxay ay heshay abaalmarin la arki doono mustaqbalka nagu soo fool leh?

Wali waxaan ku guda jirnaaye aragtiyada kala duwan ee laga qorayo hadalka layaabka noqday ee kasoo yeeray Iran-ee, waxaa dhanka kale jira aragti ah in Tehran ay midaan u sameysay iyadoo u baqeysa mustaqbalkeeda dhow, maadaama Mareykanku uu hada ku jiro marxalad kala guur ah, kursiguna uu markale kusoo laaban karo Donald Trump oo yuhuuda bilaa shaki siin doonaa taageero intaan ka balaaran oo bilaa xisaabtan ah, halkaasina ay Iran ka wajihi doonto talaabooyin aanan horey loo arag.

Hadaba midaas si ay uga hortagto xukuumadan shiicada ah, waxaa dan ugu jirtaa baa la yiri iney hada sii xaar xaarato mowqif nabadgalyo siyaasadeed iyo mid millitariba usoo dabaali kara, hadii Trump marakle uu kusoo laabto aqalka cad.

Macquul ma tahay in yuhuuda ay aqbalaan baaqa kasoo yeeray Iran?

Iyaduna waa su’aal meesha ku jirta oo si aad ah loogu falanqeynayey miisaska siyaasada, waxaana lagu soo koobay labo aragti, Koow, haa waa macquul hadii uu kursiga kusoo laabto Donald Trump maadaama xalka uu markaas dhawaan karo waa sida ay guruubka aragtidan qabo ay aaminsayihiine.

Aragtida kale ayaa leh Maya macquul ma ahan intaba uu kursiga kusii fadhiyo ama xitaa hadii markale uu soo rogaal celiyo xisbiga dimuquraadiga, waxayna u sababeynayaan in Biden isagu uu yahay midka hada gadaal ka maamulaya waxa hada kasocda dhulka loo bixiyey bariga dhexe, xalna aanan marnaba laga sugeyn.

Intaas ayaan kusoo gaba gabeyneynaa hadalka kasoo yeeray Mascuud Pezeshkian iyo falanqeynada kala duwan ee uu caalamku ka qoray, waxayna midaan kusoo beegsantahay dabcan xilli Iran laga sugayey jawaabtii xooganeynd ee ay balan qaaday, su’aasha ugu badan ee maadeysiga noqtay ayaana hada ah, ma aargudashadii bilahan o dhan lagu hanjabayey ayaa isu rogtay gacmo laalaadin iyo in hubka la dhigo?.

FAAFREEB PRO