Dowladda Tanzania ayaa xirtay hoggaamiyeyaal mucaarad ah oo lagu eedeeyay inay hurinayaan rabshado, iyadoo xiisadaha siyaasadeed ay sii kordhayaan marba marka kasii dambeysa.
Mucaaradka oo uu hoggaamiyo xisbiga Chadema, wuxuu ku hanjabay mudaharaadyo isaga oo ku doodaya in la dilo dad siyaasadeed iyo in la afduubay.
Waxaa la saadaalinayaa macquulgalka ah in hadii xukuumada ay sii wado caburintan ay shacabka intiisa badan ay la saftaan xisbiyada muacaaradka oo uu ugu horeeyo midkan loogu magac daray Chadema.
Majiraan ilaa hada xogo tibaaxaya inta uu la egyahay khasaaraha xukuumada Dodoma kasoo gaaray rabshadahan ay wadaan kooxaha mucaaradka, waxaana wali dhanka kale aanan lasoo sheegin hadii ay dad shacab ah soo gaareen waxyeelo iyo hadii kale.
Tani waxay ku soo beegmaysaa iyadoo dowladda ay xoojinayso cadaadiskan ka hor doorashada dowladaha hoose oo la qorsheynayo iney dhacdo bisha November.
FAAFREEB PRO