Dowladda xabshida Itoobiya ayaa sahmin iyo xeed xeedasho kale ugu jirta sidii ay dekedda Berbera uga soo dagsan lahayd qeeb kamid ah naftada ay sida maalin laha ah kala soo degto dekedda ganacsiga ee Jabuuti.
Ato Lemesa Tulu oo ah agaasimaha suuq-geynta wax soo saarka saliidda ceyriinka ah iyo naftada ee Itoobiya oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay, in dowladiisu ay markii ugu horeysay si maalinle ah ay naftada kala soo dagi jirtay dekedda Jabuuti, balse mudooyinkaan dambe ay u baahanyihiin meel ay nafis ku dareemaan maadaama ay mashquul iyo ciriiri badan ay halkan ku dareemayaan waa sida uu hadalka u dhigee.
Waxa uu intaas kusii daray, in Itoobiya ay u baahan tahay ku dhawaad 10 milyan oo litir oo naafto ah maalintii, macquulna aysan ahayn midaan iney helaan hadii ay sii ahaadaan kuwa kaliya ku kooban dekedda Jabuuti, loona baahanyahay in sida ugu dhaqsiyaha badan ay u helaan mid kale oo dheeri ah.
“Dekedda Berbera waxaa loo aqoonsaday inay leedahay adeegyo ku filan, sidaa darteed waxaa aragtidaas loo gudbiyey dowladda si aynu u siticmaalno” waxaa sidaas yiri Ato Lemesa Tulu oo ah agaasimaha suuq-geynta wax soo saarka saliidda ceyriinka ah iyo naftada ee Itoobiy.
Dowladda xabashida Itoobiya ayaa hada u muuqata mid usoo bira tumaneysa xayuubsiga dekedda qadiimiga ah ee Berbera, oo iyaguba sida ay qirayaan leh adeegyo ku filan kuna taala goob istaraatiiji ah, waxayna midan qeyb ka noqoneysaa damaca gurac ee ay xukuumadan ka wado dalkan muslimka ah ee Soomaaliya.
FAAFREEB PRO