Sida ay sheegayaan warbixinada soo baxay mid kamid ah saraakiisha maamulka gumeystaha yuhuuda ayaa shaaciyey in duulaankooda ka dhanka ah koonfurta Lubnaan iyo dhamaan goobaha kale ee ay joogaan ururuka isugu yeera Xisbullah uu galayo waji kale, loona baahanyahay iney diyaar gawaan askartooda.
Taliyaha militariga yuhuuda ee gobolka waqooyi ayaa saacadihii lasoo dhaafay sheegay in howgaladooda ka dhanka ah ururukaas ay uu galayo marxalad ka duwan midii hore, ayna qaadayaan dhawaan duulaan dhanka dhulka ah.
Sarkaalkan ayaa sidoo kale sheegay in ciidanka looga baahanyahay iney sameeyaan diyaar garow ka xoogan midkii hore, maadaama xaaladu ay sidoo hore ka adag tahay gacamahana la iskula tagi doono, dabcan waa sida uu yiri sarkaalkanee.
Marka laga soo tago hadalkan kasoo yeeray Taliyaha militariga yuhuuda ee gobolka waqooyi, waxaa dhanka kale si xowli ah isku soo taraya digniinada aanan la dhayelsan karin ee loo dirayo maamulka isgu yeera Israel, maadaama loo baqayo masiirkooda hadii ay ku adkeystaan duulaan dhulka ah oo ay ku qaadaan gudaha dalka Lubnaan.
Hadii aan fiirino dhanka dowladda Mareykanka oo kale, waxay gumeystaha u dirtay digniin ah inuu ka fogaado go’aankiisan ah inuu duulaan dhulka ah uu ku galo koonfurta Lubaan iyo meelaha ay sida gaarka ugu suganyihiin ururuka shiiciga ah ee ku daaban Iran.
Warbixinta oo soo xiganeysa sarkaal Ameerikaan ah ayaa sheegtay in maamulka Joe Biden uu dadaal waliba ku bixinayo sidii uu uga hor istaagi lahaa kayaanka sahyuuniga inuu qaado talaabadaas uu u arko iney tahay mid qar iska tuurnimo ah, ay gumeystaha usoo hoyn karo jab xoogan oo ay ku adkaan doonto kasoo kabashadiisa.
Xukuumada Washington kaliya ma ahan dowladaha u baqayaa in maamulka yuhuuda uu khasaare xoogan kala kulmo duulaanka dhulka ah ee uu doonayo inuu ku galo Lubnaan, balse waxaa jira kuwa kale oo fara badan oo sidaan oo kale digniino u diraya kayaanka uu horboodayo Binyamiin Natanyaahu.
Khubaro badan oo dhanka caskariga ah ayaana hada aaminsan in hadii ay dhinacyadu goradda isgaliyaan waa yuhuuda iyo ururuka isugu yeera Xisbullah-hiyee, uu gumeystuhuu ku jabi doono halkaas, iyagoo u sababeynaya in aksarta sahaayinadu ay yihiin kuwa aanan ku wanaagsaneyn dagaalka lugta, tiiriikh guula ay ku hardhanyihiina aysan wali ka helin dhankaas.
Hadii Natanyaahu uu midan ku dhaga adeegana waxay khubaradan leeyihiin, waxa lawada sugaaba waa askarta maamulka isugu yeera Israel oo gudaha Lubnaan markale si raxan raxan ah loogu feento, waliba si ka xoogan mida uu hada kala kulmayo gudaha Qaza.
FAAFREEB PRO