Gurguurte Oo Xilal Sare U Magacaabay Siyaasiyiin Mucaaradsan Deni.

Sep 26, 2024

Madaxa kooxda Riddada Soomaaliya, murtad Xassan Gurguurte ayaa xilal sare u magacaabay saraakiil hore xilal uga soo qabtay maamulka ashahaada la dirirka ah ee Puntland, hadanna ka mid ah mucaaradka ugu xooggan ee Siciid Deni.

Xassan Sheekh ayaa la taliyeyaal ka dhigtay murtad Cabdisamad Gallan oo horay usoo noqday wasiirka amniga maamul goboleedka ashahaada la dirirka ah ee Puntland, haddana ka mid ah mucaaradka Deni iyo sidoo kale murtad Axmed Jaamac Maxamed Cilla oo isagana ka mida xubnaha mucaaradsan Deni.

Xassan Sheekh ayaa xilka ka qaaday taliyaha ciidanka booliska Riddada, waxaana xilkaasi loo magacaabay mid ka mid ah xubnaha sida wayn u mucaaradsan Deni.

Golaha wasiirada ee xukuumadda Riddada ayaa barqanimadii maanta ansixiyay in taliyaha maleeshiyaadka booliska Riddada uu noqdo Asad Cismaan oo ah mucaaradka ugu wayn ee uu wajahayay Siciid Deni.

Waxaa sidoo kale lasoo wariyay in kooxda Riddada Soomaaliya ay xil u magacaabi doonto wasiirkii hore ee maaliyadda maamulka Puntland oo isagana xilligan ka mid ah kuwa sida aadka ah u diidan siyaasadda madaxa maamulka Garoowe.

Magaaabista Gurguurte ee xubnahan mucaaradka ku ah madaxa maamulka Garoowe ayaa kusoo beegantay xilli uu xarkaha goostay khilaafka siyaasadeed ee ka dhex aloosan labada maamul.