Sida ay tibaaxayaan xogaha laga helayo gudaha dalka Itoobiya ciidamada Fano ayaa sii xoojinaya weerarrada ay ka wadaan gobolka Amxaarada, iyaga oo beegsaday waddooyinka muhiimka ah ee isku xira magaalooyinka waaweyn ee wadankaas.
Sida ay xoguhu tibaaxayaan wadooyinka hada la gooyey waxaa kamid ah kuwa isku xira magaalooyinka Addis Ababa iyo Bahir Dar.
Waxay dhanka kale sheegayaan warbixino ay daabacayaan qaar kamid ah warbaahinada kasoo baxa gudaha dalka Itoobiya, in maleeshiyaatka Fano ay sii laba jibaareen mudooyinkii dambe weerarada ay ku kulaalayaan magaalooyinka hada gacanta ugu jira ciidanka Abey Axmed.
Waxaana hada lagu soo waramayaa in xoogagga Fano ay la wareegeen gacan ku haynta tuulooyin dhowr ah iyo waddooyinka muhiimka ah, taasoo keentay iska horimaadyo dhiig ku daatay.
Waxaa sidoo kale ka jira mudaaharaadyo ay dadweynuhu ku muujinayaan sida ay uga xun yihiin ammaanka sii xumaanaya ee wadanka Itoobiya, iyo sida uu Abey Axmed wadankaas lugaha musiibada ugu galiyey tan iyo markii uu kurisga kusoo fariistay sanadii 2018.
Waxaana la aamisanyahay in hadii xaaladu ay sidaan kusii socoto ay Itoobiya sanadaha soo aadan ay noqon doonto mid xitaa weysa deymaha yar ee ay hada ka heleyso dhanka caalamka, maadaama wadankuba uu noqday mid colaaduhu ay qarqinayaan markba marka kasii dambeysa.
FAAFREEB PRO