Xiisado siyaasadeed ayaa markale dib uga aloogmay wadanka Kenya kadib markii ay xildhibaannada baaralamaanka wadankaas ay billaabeen mucaaradad ka dhan ah madaxweyne ku xigeenka wadankaasi.
Mooshinka dhan ah madaxweyne ku xigeenka dowladda saliibiyadda Kenya ninka lagu magacaabo Rigathi Gachagua ayaa loo qeybiyay xildhibaannada dawaaqiidda baarlamaanka fadhigiisu yahay magaalada Nairobi.
In ka badan 240 xildhibaan ayaa saxiixay mooshin lagu ridayo madaxweyne ku xigeenka Rigathi Gachagua, iyadoo lagu eedeeyay anshax xumo iyo jebinta dastuur gaaleedka wadankaas udegsan.
Xubnaha mooshinka wadaan waxay qorsheynayaan in mooshinka la horgeeyo baarlamaanka maalmaha soo socda, khilaafka udhaxeeya William Rutu iyo ku xigeenkiisa ayaa gaaray meeshiisi ugu sarraysay.
madaxweynaha Kenya ayaan ku xigeenkiisa ku eedaynaya in uu dhax dabaashay faquuq uu ku kalakacay mid kamida qowmiyadaha gaalada Kenya islamarkaana uu kaalin ka geystay kicinta rabshadihii ka dhashay mashruucii kordhinta canshuuraha ee khalalaasaha ka abuuray dalka Kenya.
Warbaahinta maxalliga ah ayaa sheegtay in xubnaha baarlamaanka ay meel marin doonaan mooshinka ka dhanka ah ku xigeenka Ruto.
Dadka dhalilsan motionka aya sheegaya in lagu heysto tageeradii uu tageersanaa dadkii ak banaanbaxayay canshuuraha kenya, tanina ay tahay motion siyaasadeedsan. Rigathi ayaa sheegay inuu meel iska saari doono xildhibaanada motionka wada isagoo ku eedeeyay inay tahay arin siyaasadeedsan.
FAAFREEB PRO