Bayaan rasmi ah oo kasoo baxay ururka Xisbullaah ayaa lagu iclaamiyay in hogaamiyahoodii guud Xasan Narallaah lagu dilay duqeyntii shalay diyaaradaha dagaalka Yahuuda ay ka fuliyeen magaalada Bayruud.
Nasrallaah iyo saraakill kale oo muhiim ah oo katirsan ururka iyo kuwa kasocday Iiraan ayaa la beegsaday xili uu usocday kulan muhiim ah, warbaahinta yahuudana ay kulankaasi ku sheegtay mid lagu qorshaynayay dullaan uu xisbigu ku qaadayo deegaanada Yahuuda xooga ku haystaan.
Wargayska The New York Times ayaa sheegay in Haashim Safiyu Diin uu badalay Xasan Narallaah hogaamiyaha uruurkana uu isugu noqday, ninkaan ayaana ah madaxa golaha fulinta ee Xisbullaah.