Dowladda Xabashida Itoobiya ayaa billaawday in ay maxaafishiga caalamiga ah geyso kiiska ku saabsan heshiiskii xaaraanta ahaa ee uu maamulka Somaliland kusiiyay qeyb kamid ah badda Soomaaliya.
Taye Atske Selassie oo ah wasiirka arrimaha dibadda Itoobiya ayaa kalimaddii Abiy Axmed ka horjeediyay xarunta waxa loogu yeero Q.Midoobay isagoo si qota dheer uga hadlay xasaradaha siyaasadeed ee ka aloosan geeska Afrika iyo arrimaha Soomaaliya.
Ugu horrayn dowladda Xabashida Itoobiya waxay difaacday tallaabada ay ku buuxinayso biya xireenka ay ka dhistay webiga Niil iyadoo waxba kama jiraan kasoo qaadday eedaymaha uga imaanaya Masar iyo Suudaan.
Wasiirka arrimaha dibadda Itoobiya ayaa mar uu soo hadal qaaday arrimaha Soomaaliya wuxuu ku faanay heshiiskii ay dowladdiisu lagashay Muuse Biixi wuxuuna ku sifeeyay mid horumar u ah wax uu ugu yeeray gobolka.
Taye Atske Selassie ayaa ku jees jeesay dowladda Federaalka Soomaaliya oo uu sheegay in aysan iska difaaci karin wax uu ugu yeeray Argagaxisada oo uu ula jeedo Shabaabul Mujaahidiin.
Sidoo kale dowladda Itoobiya ayaa walaac ka muujisay faragelinta ay Masar kusoo sameysay arrimaha Soomaaliya waxayna ka cabsi qabtaa in howlgallada ciidamada shisheeyaha ATMIS ay Masaaridu kaalin ku yeeshaan.
Dhawaqa kasoo yeeray xukuumadda Addis Ababa ayaa muujinaya sida ay udoonayso in ay ku dheganaato dhaqangelinta heshiiskii ay lagashay Muuse Biixi kaasi oo u ogolaanayayay qaadashada qeyb kamid ah badda soomaaliya.